crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Markay Hooyadu Ubadkeeda Xoorto–Say u dhintaan!! | HimiloNetwork

Markay Hooyadu Ubadkeeda Xoorto–Say u dhintaan!!

Dubai, UAE (Himilonews) – Haweeney ayaa loo xukumay fal-danbiyeed ah inay ubadkeeda dhawaan-dhaladka ku ahaa ay gudaafad qashin ku xoortay si uu u dhinto maadaama aysan rabin, sida ay sheegtay, inay korsato, sida ay sheegeen bileyska Imaaraatka Carabta.
Hadda haweeneyda 31-jiradda ah oo magaceeda lagu soo koobay S.S. ee Dubai, waxaa lagu xukumay xabsi daa’in ah inay sabab u aheyd dhimashada ubadkeeda.
Waxaa kale oo lagu xukumay hal sano inay xabsiga ku qaadato maadaama ay gogol dhaaf ka baxsan xeyn-daabka guurka ay sameysay. Marka loo eego baaritaanka bileyska, gabadhan ayaa galmo sharci-darro ah oo ay sameysay ku qaaday uurka ilmaheeda.
Gabadha ayaa isku daydey inay ilmaha iska soo xaaqdo balse way u suura-gali weysay. Hayeeshe, wax yar kadib markii ay dhashay, waxay awooday inay ubadkeeda u qaado meel gudaafad ah si uu u dhinto.
Laba kamid ah shaqaalaha nadaafadleyda ayaa kasoo dhex-qaaday gudaafadda ilmahan yar una yeeray bileyska. Cunugga ayaa wali neefsanayey kolkii loola cararay isbitaalka balse wax-yar kadib ayuu naf-baxay.
Maxkamadda horteeda, haweeneydan ayaa ku marmarsootay inaysan ula kac u dilin ilmaheeda balse ay iska xoortay maadaama aysan rabin inay korsato.
Waxaa kale oo ay qiratay inay gogol-dhaaf la yeelatay nin aan qabin taas oo sababtay uurka ay qaaday.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!