Layaab: Daanyeer cabsan oo mindi ku weeraray dad kula sugnaa baar lagu khamri-cabo.

Brazil (Himilonews) – Dab damisley ayaa loogu yeeray inay xabisaan Daanyeer kadib markii dad dhowr ah oo ku sugnaa baar uu kusoo weeraray mindiyo, sida ay sheegeen bileyska Brazil.
Waaxda dab damiska ee Patos ayaa sheegay in looga yeeray baarka maalinkii Jimcaha si ay hubka uga dhigaan Daanyeer careysnaa oo dadka ku eryanayey mindiyaha jikada.
Marka loo eego baaritaanka bileyska, Daanyeerka ayaa galaas khamri ah ka cabay baarka kahor intaanu soo qaadan mindiyada uu dadka ku eryoonayey.
Waxa qariibka ah ayaase noqotay in Daanyeerku uu ragga un eryanyey dumarkana uu iska dhaafayey. Dadka qaar ayaa awooday inay muuqaal ka duubaan Daanyeerka oo cabsan. Muuqaalka ayaa muujiyay Daanyeerka oo dusha sare ee saqafka baarka la saaran mindi dheer.
Daanyeerka ayaa kolkii danbe gacanta u galay waaxda dab damiska, waxaana lagusii daayey duurka. Balse saacado dhowr ah kadib, bileyska ayaa loo sheegay in Daanyeerkii uusoo laabtay walina uu dadkii eryanayo.
Daanyeerkan ayaa dib loo qabtay waxaana loo dhaadhiciyey jeel u gaar ah.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!