crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 9

Dunida Muslimka

La kulan – Muslimka lacag la’aan ku dayactira Kutubada Qur’anka ee ‘duugga’ noqda!

MUQDISHO (HN) — 68 jir u dhashay dalka Falastiin ayaa bilaabay inuu dayactiro kutubada Qur’anka ee duugga noqday – weliba si lacag la’aan ah. Wuxuu sheegay inuu ficilkan ku doonayo raali ahaanshaha Eebbe iyo Jannadiisa. Qol yar ku dhex yaal Masjidka Gazza ayuu Hisham Barzeq ku bilaabay shaqadiisa oo si lama filaan ah uu u arkay iyada oo qeybta ugu ...

Read More »

Igaar uu dhalay legdanyahanka Umaga oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Zilla Fatu, oo ah wiil uu dhalay legdanyahankii Umaga ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka, wuxuuna socdaalkii uu usoo galay ku biirista qoyska iyo bulshada ugu ballaaran adduunka ee Muslimiinta ku tilmaamay mid qurxoon iyo qaayo leh. Fatu ayaa islaamnimadiisa ku caddeeyey muuqaal uu soo dhigay barta Youtube-ka. Wuxuuna mahadda iyo galadda doorashadiisa diinteenna qiimiga badan u ...

Read More »

Gabar xafladda dhalashadeeda dooratay in lagu beego qaadashada Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Iyada oo xiran dharka tababbarka ee kimono, Saki Takao waxay sannad-guurada 26aad ee dhalashadeeda ku dabaaldegtay fal farxad iyo nasiib leh oo ah inay qaadato diinta Islaamka. 15 xubnood oo qoyskeeda iyo asxaabteeda isugu jira ayaa la joogay goobta ay ku qaadanaysay shahaadada, waxayna kor ugu dhawaaqaysay kelmadda Tawxiidka — oo ah inuusan Ilaah Eebbe weyne mooyee, ...

Read More »

Sonny Williams oo ka sheekeeyey sida loogu ‘takooray’ Shaabadda saaran korkiisa markuu Islaamay!

MUQDISHO (HN) — 14 sano kaddib qaadashadiisii diinta Islaamka, laacibka New Zealand u dhashay ee Sonny Bill Williams ayaa ka sheekeeyey teedadkii ama caqabadihii ka horyimid markii uu qaatay Islaamka – gaar ahaan, aragtida dadku ka heysteen qof Muslim ah oo haddana shaabad ay ku dhegan tahay korkiisa. Barnaamijka toos uga baxayay warfidiyeenka oo uu la daadihinayay Sheekh Mufti Menk, Sonny ...

Read More »

Islaamka oo si xowli ah ugu faafaya gudaha dalka Spain mar kale.

MUQDISHO (HN) — Gu’yaal badan, dadka Spain waxay qaadanayeen diinta Islamka, iyaga oo toddobaad walba maalinta Jimcaha – salaadda Khudbada kaddib – dalbanaya in loo qabto shahaadada. Waxay dhab ahaan u doonayaan inay ku biiraan diinta ugu faafidda badan caalamka ee Islaamka. Muuqaal ay soo dhigtay wakaaladda Anadolu Agency, da’yar Spain u dhashay oo la yiraahdo Jose Miguel waxaa la ...

Read More »

“Islaamku wuxuu iga badbaadiyay nolol maandooriye leh.” — Feeryahan Lee.

MUQDISHO (HN) — Feeryahanka miisaanka culus ee Kevin Lee ayaa markii ugu horreysay kaddib qaadashadiisa diinta Islaamka wuxuu ka hadlay noloshii ciriiriga iyo quusta ahayd oo uu ku jiray siiba markii uu ka dhaawacmay jilibka. Isaga oo la hadlayay kanaalka TheDeenShowTV, Lee wuxuu yiri; “Waxaan toos uga soo baxay godka dambiyada iyo walwalka. Markii aan maray qaliinkii la iiga sameeyey jilibkana, ...

Read More »

Laacibiin Muslimiin ah oo iska diiday xirashada astaanta LGBT.

MUQDISHO (HN) — Laaciibka naadiga Toulouse, Zakaria Aboukhlal iyo xiddiga Nantes, Mostafa Mohamed ayaa laga reebay kulamada kooxahooda kaddib markii ay diideen inay xirtaan maaliyad ay ku xardhan yihiin astaamaha Ragga ragga u hawooda ama LGBT-ga. “Waan xushmaynayaa kala duwanaanta, waxaase sidoo kale ilaashanaya xuduudayda,” ayuu yiri laacibka Mostafa. “Aniga oo taas maanka ku haya iima suurta-geli karin inaan xuduudaas ...

Read More »

Sawirro – Kaniisad 150 jir ah oo loo beddelay Masjid.

MUQDISHO (HN) — Masjidka Masjid-e-Taqwa oo horay u ahaa Kaniisad la yiraahdo St Chad waxaa toddobaadkan markii koowaad lagu oogay salaadaha. “Waxaan isku daynay inaan qaabkii hore oo ay u dhisneyd aan sideeda u dayno balse aan si fiican u qurxinno gudaha,” ayuu yiri afhayeen u hadlay. Muuqaalka kore weli waxaad fahmi kartaa inay ahayd kaniisad balse hadda waxaa lagu ...

Read More »

Jaamacadda Georgetown oo Masjid u sameysay Ardaydeeda..

MUQDISHO (HN) — Jaamacadda Georgetown ayaa noqotay midii koowaad oo ardaydeeda Muslimiinta ah u sameysa goob ay ku tukadaan oo loogu diyaariyay weysa-qaadka. Mashruuca dhismaha goobta yar ee Masjidka ayaa soo idlaaday sannadkan taniyo markii lasoo bilaabay 2019-ka. “Dhismaha Masjidka waa qeyb kamid ah hadafkeenna ku aadan qiimeynta iyo u dabaal-degidda kala duwanaanshiyaheenna,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!