HomeDunida MuslimkaHeesaagii hore ee Nigeria oo ka sheekeynaya Islaamnimadiisa.

Heesaagii hore ee Nigeria oo ka sheekeynaya Islaamnimadiisa.

MUQDISHO (HN) — Abdulrasheed Bello, oo ahaa soo saare filim iyo heesaa ayaa xusay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay maalintii uu qaatay diinta Islaamka – isaga oo sheegay inuu helay micnaha dhabta ah ee nolosha iyo xiriirkii uu weligiis jeclaa inuu Ilaahaygii abuurtay la sameysto.

JJC Skillz, oo hadda la baxay Bello wuxuu ka warramay sida walaalkiis uu kaga caawiyay inuu si fiican u fahmo Islaamka iyo Muslimiinta

“Maanta waxaan xusayaa maalin ku weyn noloshayda, waxaana Alle ka sokow abaalkeeda iska leh walaalkey,” ayuu yiri.

10-kii July 2022 ayuu qaatay diinta Islaamka wuxuuna sida uu yiri sameystay xiriir gun adag oo aan la loodin karin oo isaga iyo Rabbigiisa kala dhaxeeya.

Diinta Islaamka waa midda ugu faafidda badan caalamka, ka sokow inay tahay midda ugu weyn ama ugu ballaaran adduunka oo ay heystaan dad gaaraya in ka badan 2 bilyan iyo bar.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments