crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka soo dhaweyn u sameynaya carruur qabta xanuunka autism-ka. | HimiloNetwork

Masjidka soo dhaweyn u sameynaya carruur qabta xanuunka autism-ka.

MUQDISHO (HN) — Imaamka Masjidka Birmingham ayaa albaabada u furaya waalidiinta iyo caruurta ay dhaleen ee ku dhashay xanuunka autism-ka markii ugu horreysay si loo abuuro jawi is dhexgal iyo isku milan oo dhex mara ubadka Muslimiinta ah iyo waalidiintooda. Tallaabtan ayaa hooyooyin badan oo ilmahooda la xanuunsan yihiin autism-ka waxay ka keentay ilmo farxadeed.

Imam Mohammad Asad, oo isku imaatinkii Masjidka baanise kooan ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay isku xirka carruurta Muslimiinta ah si midkoodna aan looga tagin cidlo iyo caloolyow.

“Dhammaanba carruurteennu waxay qabaan baahiyo kala gedisan, waxaana lama huraan ah inaan la kulanno baahida mid kasta,” ayuu yiri.

Carruurtan qaba xanuunka autism-ka ayaa weligood cagta soo dhigin masjid gudihiisa, waxayna tani u ahayd farxad ay la ilmeeyeen waalidiintii dhalay markii ay arkeen ubadkooda oo la dhinac dheelaya caruurta kale.

“Waxaa la arkayay carruurtan oo ku dhex cayaaraya Masjidka iyaga oo faraxsan oo aan ka cabsooneyn in loo aamusiyo qeylada iyo buuqa ay sameynayaan.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!