HomeDunida Muslimka"Islaamku wuxuu iga badbaadiyay nolol maandooriye leh." -- Feeryahan Lee.

“Islaamku wuxuu iga badbaadiyay nolol maandooriye leh.” — Feeryahan Lee.

MUQDISHO (HN) — Feeryahanka miisaanka culus ee Kevin Lee ayaa markii ugu horreysay kaddib qaadashadiisa diinta Islaamka wuxuu ka hadlay noloshii ciriiriga iyo quusta ahayd oo uu ku jiray siiba markii uu ka dhaawacmay jilibka.

Isaga oo la hadlayay kanaalka TheDeenShowTV, Lee wuxuu yiri; “Waxaan toos uga soo baxay godka dambiyada iyo walwalka. Markii aan maray qaliinkii la iiga sameeyey jilibkana, waxaan ahaa mid xanuunkiisa isku dhaafsiiya qaadashada daroogo badan.”

Tallaabtan lala yaabay ayay ku ahayd taageerayaashiisa in Lee uu bishii Janaayo ee sannadkan ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka. Laakiin 30 jirkan ayaa la rumeysan yahay inuu sannadkii hore muslimay balse uu dhawaan shaaciyay un.

Islaamku waa diinta ugu faafidda badan caalamka, waxaana la rumeysan yahay inay tahay midda ugu badan ama ugu weyn oo maanta dunida laga heysto.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments