MUQDISHO (HN) — Gu’yaal badan, dadka Spain waxay qaadanayeen diinta Islamka, iyaga oo toddobaad walba maalinta Jimcaha – salaadda Khudbada kaddib – dalbanaya in loo qabto shahaadada. Waxay dhab ahaan u doonayaan inay ku biiraan diinta ugu faafidda badan caalamka ee Islaamka.
Muuqaal ay soo dhigtay wakaaladda Anadolu Agency, da’yar Spain u dhashay oo la yiraahdo Jose Miguel waxaa la arkayaa isaga oo ku dhawaaqaya kalmadda towxiidka gudaha Masjidka weyn ee Qarnaada.
“Ku dhawaad toddobaad kasta waxay yimaadaan Masjidka si aan shahaadada ugu qabanno,” ayuu yiri Umar del Pozo, oo ah madaxweynaha bulshada Muslimiinta Spain.
“Waxaa jira koror aad u badan oo dadka Spain u dhashay ah oo qaadanaya Islaamka sannadihii dambe siiba markii uu dilaacay xanuunka Covid-19, waana wax lagu farxo,” ayuu sii raaciyay.
Ku dhawaad 36,000 oo Muslimiin ah ayaa ku nool magaalada Qarnaada. Guud ahaan, dalka Spain waxaa la rumeysan yahay inay ku nool yihiin 3 milyan oo Muslimiin ah.
Dalkii horay loo yiqiin Andalus oo maanta la yiraahdo Spain waxaa Muslimiintu ka talin jireen 800 oo sannadood iyo ka badan, waxaana ay muddadaas horseed u noqdeen xadaaraddii iyo ilbaxnimadii dunida ka curatay!
You must log in to post a comment.