crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dadka Japan ‘oo mar kale la barayo’ sida loo dhoolla-caddeeyo. | HimiloNetwork

Dadka Japan ‘oo mar kale la barayo’ sida loo dhoolla-caddeeyo.

MUQDISHO (HN) — Waxay xirnaayeen afxir ama afsaab muddo saddex sannadood ah. Hadda dad badan oo Japan u dhashay waxay iska diiwaangeliyaan iskuul lagu barto sida loo muudsoodo ama loo dhoolla-caddeeyo mar kale.

Dhoollaha oo la caddeeyo waxay Japan ka tahay falcelin dabiici ah, laakiin saddexdii sannadood ee lasoo dhaafay qofna ma uusan dhoolla-caddeynin sababta oo ah qof walba wuxuu xirnaa afsaab. Hadda dad ku gaaroobay baridda dhoolla-caddaynta fiican ayaa baraya qofka inuu qaab soo jiidasho leh qofka ugu dhoolbireeyo.

Hababka ugu toolmoon ee murqaha luqunta iyo qanjirada la iskula heli karo si wejigu usoo saaro hal muuqaal oo isla leh kuna habboon in lagu dhoolla-caddeeyo ayaa dadka la barayaa.

“Dhoolbirashadu ama dhoolla-caddayntu waa daawo haddii siday tahay loo sameeyo,” ayuu yiri Keiko Kawano. “Xattaa haddii aad ku fikirayso inaad dhoolla-caddayso waa wax fiican. Laakiin waxaa muhiim ah inay gaarto dadweynaha.”

Wuxuu sheegay in dad gaaraya 4,000 ay bareen sida loo dhoolla-caddeeyo, waxayna u tababareen dad gaaraya 700 inay bixiyaan koorsooyinka taniyo sannadkii 2017 oo xaruntooda la aas-aasay. Si kastaba, waxaa aad cirka isku shareeray dadka xiiseynaya inay iska diiwaangaliyaan xarunta markii la sheegay in dadweynuhu iska dhaafi karaan xirashada afsaabka.

Barashada sida loo dhoolla-caddeeyo waa dhaqan ka jira gudaha Japan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!