crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gabadhii ‘la saaxiibtay’ inan uu Saaxiibkeed si hoose ula shukaansaday. | HimiloNetwork

Gabadhii ‘la saaxiibtay’ inan uu Saaxiibkeed si hoose ula shukaansaday.

MUQDISHO (HN) — Haweeney u dhalatay dalka Venezuela ayaa qabsatay hadalheynta baraha bulshada kaddib markii ay ku dhawaaqday inay la saaxiibtay gabadhii ka shukaansatay wiilkii ay jecleyd. Waxayna sheegtay inay doonayso inay isla qeybsadaan gacaliyaheeda.

Sofía Gutiérrez, oo ku nool Lecheria, Venezuela, ayaa ka yaabsatay dadweynaha kaddib markii ay soo dhigtay sawir ay ku wada jiraan gabar horay xiriir ula sameysay jaceylkeeda. Gutiérrez waxay sheegtay inay si hoose u fahamtay in wiilka ay xiriirka lahaayeen uu gabar kale si hoose ula socdo.

Laakiin beddelkii ay ka caroon lahayd ama ay xiriirkiisa goyn lahayd waxay go’aansatay inay la xiriirto gabadha uu la shukaansaday kadibna saaxiib la noqoto. Taniyo markaasna sheekadooda ayaa aad ugu baahday baraha lagu xiriiro.

Dumar badan marka ay jaceylkooda u maseyraan wixii jaraan xiriiradooda, laakiin Sofia waxay tusaale u noqotay inaan loo baahneyn xiriir go’a balse loo baahan yahay xiriir ka xoog bata midkii hore.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!