crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney – maseyr dartiis – xabsi guri ka dhigtay ninkii ay jecleyd. | HimiloNetwork

Haweeney – maseyr dartiis – xabsi guri ka dhigtay ninkii ay jecleyd.

MUQDISHO (HN) — Haweeney maseertooy ah oo ku nool dalka Arjantiin ayaa xabsiga loo taxaabay markii ay saddex maalmood oo xiriir ah xabsi guri ka dhigtay jaceylkeeda ay isla socdeen muddo lix bilood ah.

Sababta ay sidaas u sameysay ayaa lagu sheegay inay kahortagaysay inuu qiyaano ama naago kale la shukaansado. Booliska magaalada La Plata ayaa si kastaba soo badbaadiyay ninkan oo 29 jir ah kaas oo – kahor inta aysan xabsi guri ka dhigin – ka jajabisay mobilkiisa si aanu cidna ula xiriirin.

Wuxuuse maareeyey inuu telefoonkeeda kasoo xado kadibna farriin gaaban oo ‘i badbaadi ah’ u diro saaxiibkiisa oo wacaalkiisa ku wargeliyay booliska.

Haweeneydan oo 30 jir ah ayaa xasbiga la dhigay markii boolisku yimid guriga lana xureeyey ninkii ay qarqarsiga ku heysatay. Wuxuu sheegay in saaxiibtiisa ay maseyr badan tahay oo xattaa ay su’aal ka keeni jirtay marwalba oo uu kasoo dib dhaco waqtiga ay u qabato.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!