MUQDISHO (HN) — Qoys ku nool magaalada Sidney, Australia ayaa lagu amaanay go’aankooda ah inay iska diideen iibsashada guri ay leeyihiin oo bartanka fagaaraha magaalada ku yaalla kaas oo loo gaaray adduun dhan malaayiin lacag ah.
Deriskooda oo dhan waxay isaga guureen fagaaraha waxayna degaamaysteen meelo kale. Laakiin qoyskan ayaa iska diiday dhammaanba lacag walba oo loo gaaray. Mana qorsheynayaan inay ka guuraan hadda iyo goor u dhow. Gurigoodu hadda wuxuu caan ka yahay magaalada Sidney.
Dusha sare markaad ka eegto waxaad moodaa fagaaraha dhexe ee New York. Lacag dhan 50 million AUD ($33 million) ayaa markii ugu dambeysay loo gaaray qoyskan.
You must log in to post a comment.