crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laacibiin Muslimiin ah oo iska diiday xirashada astaanta LGBT. | HimiloNetwork

Laacibiin Muslimiin ah oo iska diiday xirashada astaanta LGBT.

MUQDISHO (HN) — Laaciibka naadiga Toulouse, Zakaria Aboukhlal iyo xiddiga Nantes, Mostafa Mohamed ayaa laga reebay kulamada kooxahooda kaddib markii ay diideen inay xirtaan maaliyad ay ku xardhan yihiin astaamaha Ragga ragga u hawooda ama LGBT-ga.

“Waan xushmaynayaa kala duwanaanta, waxaase sidoo kale ilaashanaya xuduudayda,” ayuu yiri laacibka Mostafa. “Aniga oo taas maanka ku haya iima suurta-geli karin inaan xuduudaas tallaabo.”

Xiddiga Morocco, Zakariya Abuklal ayaa sidoo kale tabtaas lamid ah ku dhaqaaqay kana biya-diiday inuu safto kulankaas maadama sida uu yiri ay kahor imaanayso caqiiqadiisa xirashada maaliyaddaas lagu xardhay astaanta quumu-luudka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!