HomeDunida MuslimkaLaacibiin Muslimiin ah oo iska diiday xirashada astaanta LGBT.

Laacibiin Muslimiin ah oo iska diiday xirashada astaanta LGBT.

MUQDISHO (HN) — Laaciibka naadiga Toulouse, Zakaria Aboukhlal iyo xiddiga Nantes, Mostafa Mohamed ayaa laga reebay kulamada kooxahooda kaddib markii ay diideen inay xirtaan maaliyad ay ku xardhan yihiin astaamaha Ragga ragga u hawooda ama LGBT-ga.

“Waan xushmaynayaa kala duwanaanta, waxaase sidoo kale ilaashanaya xuduudayda,” ayuu yiri laacibka Mostafa. “Aniga oo taas maanka ku haya iima suurta-geli karin inaan xuduudaas tallaabo.”

Xiddiga Morocco, Zakariya Abuklal ayaa sidoo kale tabtaas lamid ah ku dhaqaaqay kana biya-diiday inuu safto kulankaas maadama sida uu yiri ay kahor imaanayso caqiiqadiisa xirashada maaliyaddaas lagu xardhay astaanta quumu-luudka.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments