crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 8

Dunida Muslimka

Xiddiga Pakistan oo la arkay isaga oo nadiifinaya Masjidka Xaramka

MUQDISHO (HN) — Xiddiga Pakistan ee cayaarta Kiriket-ka, Mohammad Rizwan ayaa soo jiitay indhaha dad badan oo Muslimiin ah kaddib kolkii la arkay isaga oo wax ka nadiifinaya Masjidka weyn ee Xaramka ee magaalada Makka. Xiddigan iyo qaar kale oo ay kamid yihiin Babar Azam iyo Iftikhar Ahmed waxay Sucuudiga u joogaan gudashada Xajka iyo cumrada, sida ay kusoo warrantay ...

Read More »

La kulan – Samafalaha ugu da’yar ee ‘u khidmeysa’ Xujeyda.

MUQDISHO (HN) — In xujeyda loo adeego ‘samafalo’ waa arrin abaal iyo ajar badan laga helayo. Mariam Mahdar oo inan yar ah ayaana sannadkan kamid ah samafalayaasha u adeegayaa xujeyda joogta Makka. Mahdar ayaa la aaminsan yahay inay tahay samafalaha ugu da’yar ee sannadkan, waxayna sheegtay inay ku faraxsan tahay ‘u khidmeynta’ Mu’miniinta. “Markii maalmaha Xajka ay soo dhawaadeen ayaan ...

Read More »

La kulan – Xaajiga lugta la’ ee sannadkan xajinaya!

MUQDISHO (HN) — Shareecada Islaamku kama horjoogsan ama reebin qofka Muslimka ah ee naafada ah inuu gudan karo waajibka ka saaran inuu soo xejiyo ama cumraysto. Mohammed Shafiq, oo ah naafo u dhashay dalka Pakistan-na sannadkan wuxuu kamid yahay malaayiinta Muslimiinta ah ee joogta Makka si ay u gutaan acmaasha Xajka iyo cumrada. Wuxuuna dalkiisa uga yimid inuusan lumin fursadda uu ...

Read More »

85 jirkii ‘ururin jiray’ lacagta uu Xajka ku aadi lahaa oo sannadkan xajinaya!

MUQDISHO (HN) — 85 jir u dhashay dalka Induniisiya ayaa ugu dambeyn kamid ah xujeyda sannadkan gudanaysa xajka iyo cumrada. Wuxuuna riyadiisa maalintan weyn ay ugu rumowday ururinta shilimaadkii uu ka heli jiray mushaharkiisa taraafikada. In ka badan 30 sannadood, Husin bin Nisan wuxuu urursanayay lacagtii uu mar un kusoo aadi lahaa Xajka. Sannadkan, wuxuu si kastaba, kamid noqonayaa kumaankun-ka duqowda ...

Read More »

Afar Ayeeyo oo Marooko u dhashay oo sannadkan kamid ah xujeyda Makka joogta.

MUQDISHO (HN) — Sannadkan wuxuu Xajka dhadhan ka duwan saddexdii sannadood ee lasoo dhaafay u sameynayaa Muslimiinta gaar ahaan xujeyda nasiibka u yeelatay inay sannadkan xaadiraan – sababtuna waa in labadii sannadood ee lasoo dhaafay oo xanuunka Covid-19 ee faafaya awgiis tirada aadaysa aad loo yareeyey. Afar ayeeyood oo u dhashay dalka Morooco ayaa sannadkan kamid ah xujeyda. Waxaana u ...

Read More »

Jilaa iyo seygeeda oo sannadkan jooga Xajka.

MUQDISHO (HN) — Bilo kahor un markii ay qaadatay diinta Islaamka, Mercy Aigbe oo ah gabar Nigeria u dhalatay oo filimada sameysa – iyada iyo seygeeda – waxay sannadkan kamid yihiin xujeyda gudanaysa acmaasha xajka iyo cumrada. Gabadhan oo qaadashadeeda Islaamka dhawaan un shaacisay ayaa safarkeeda Sucuudiga iyo gudashada xajka ku baahisay barteeda Instagram-ka. Mercy oo hadda la baxday Meenah ...

Read More »

La kulan – Samafalaha muddo 30 sanno ah gaarigiisa kusoo galbiya xujeyda

MUQDISHO (HN) — Abaal uu Eebbe weyne ka rabo awgeed, nin Sucuudiga u dhashay ayaa soddonkii sannadood ee lasoo dhaafay wuxuu xujeyda ku qaadaa gaarigiisa gaarka ah – isaga oo ka galbinaya magaalo xuduudeedka uu ku nool yahay ilaa uu ka keeno magaaladda Makka. Ayed Al Jarhadi wuxuu gu’yaalihii lasoo dhaafay xujeyda kasoo daabulaa magaalada Arar ilaa Makka si ay u ...

Read More »

Xujeyda oo loogu yeeray ‘inay iska yareeyaan’ Sawirrada selfie-ga.

MUQDISHO (HN) — Kumaankun Muslimiin ah ayaa u baxaya dalka Sucuudiga si ay sannadkan usoo gutaan waajibka Xajka oo kamid ah shanta tiir ee Islaamka. Wasaaradda Xajka ee Induniisiya ayaa, si kastaba, xujeydeeda ugu yeertay inay ka reebtoonaadaan inay sawirro selfie-ah ku galaan Dhagaxa Madow ee Kacbada. Afhayeenka wasaaradda, Akhmad Fauzin ayaa yiri: “Iska qaadista sawirro ‘lalmis’ ah waxay luminaysaa ...

Read More »

Sawirro – Dhismaha Masjidka Dhoobada ee Qadiimiga ah.

MUQDISHO (HN) — Dadka ku nool magaalada Djenne ayaa sannad kasta iskugu yimaada si ay dhoobo cuusb ugu malaasaan Masjidka qadiimiga ah ee qarniyaal soo jireenka ah oo ku yaalla dalka Mali. Kumaankun dad ah ayaa iskugu soo baxa howshan samafalka oo lagu qurxinayo masjidka. Waana midka ugu weyn adduunka ee ka sameysan dhoobo. Dadweynaha ayaa isku dara biyo, dhoobo, ciid ...

Read More »

Legdanyahanka Muslimka ah oo ‘cumraysanaya’.

MUQDISHO (HN) — Legdanyahanka miisaanka culus ee Sami Zayn oo u dhashay dalka Kanada ayaa gaaray magaalada Makka si uu ugu cumreysto, wuxuuna ficilkaas ku rumeeyey riyo uu kini ku taami jiray inay u dhabowdo. Bartiisa Twitter-ka ayuu soo dhigay muuqaal uu xarman yahay oo uu kaga hadlayo waaya’aragnimadiisa iyo wixii uu ku arkay magaalooyinka barakeysan. “Waxaan halkan kala imid ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!