crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Aragtida Bulshadu ka qabto Guurka Dahsoon – Qudbo-sirada. | HimiloNetwork

Aragtida Bulshadu ka qabto Guurka Dahsoon – Qudbo-sirada.

Muqdisho (Himilonews) – In badan sida Abdiraxman Maxamed Cabdulle, micnaha Qudba-siradu waxay la tahay halis ku hadoodilan dhibaato muuqata.
“Qudba-sirada waxaan u aqaan in si hoose la isku basareysto ama meher-xad, mana ahan mid wanaagsan, waayo malahan guul laga gaaro inta badan – mararna waaba dhibaato oo gabadhu waxay iska xaaqdaa ilmaha caloosheeda ku jira,” ayuu yiri Cabdulle.
In kale sida Yuusuf Maxamud, waxay Qudba-siradu kaga dhigan tahay huriweyto had iyo jeer soo taagan.
“Waxaa jira wax-yaalo badan oo Qudba-sirada ka dhiga mid loo baahan yahay – dhaqaale yarida iyo wixii lamid ah waa mid kamid ah, mana lahan dhib in qofku dhinaca ugu fudud uu bilowga nolosha kaga yimaado,” ayuu yiri Yusuf isaga oo dhoolla-cadaynaya.
Aragtiyada kala duwan ee laga bixinayo Qudba-sirada waa dhaqan aan la ogeyn sidii iyo halkii ay kaga timid bulshada Soomaaliyeed. Muddo aan laheyn waqti lagu qiyaaso, ereyga Qudba-siro wuxuu kamid ahaa maqalka ku dhaca dhegaha dadka. Waana mid ay waaya’arag ku noqdeen xaggiisa. Balse waligiis mayeelan hal aragti.
Waxaa jira siyaalo ama caqabado durjiya in dhaqankani sii xoogeysto. Isasiin la’aanta waqti furan oo ay wada yeeshaan waalidka iyo carruurtooda qaan-gaarka ahi waa mid kamid ah, marka loo eego Xasno Maxamed.
“Gabadhu hooyadeed lama tashanayso; mana ka dhiganayso saaxiib,” ayay tiri. “Haddii ay ka dhigan laheyd saaxiib, waxa walba ayay kala hadli laheyd, xalna waa laga gaari karaa markaas. Hooyo wiilkan ayan is calmannay, waana is rabnaa ma ahan mid ceeb ah.”
Xasno waxay xiraysaa albaabada laga yaabo inay rag iyo dumar badan u furtaan marka ay sabab u raadinayaan inay is-qudba-siraystaan.
“Sideedaba majirto meel ay diinteennu ku bannaysay Qudba-sirada, waana mid aan sax aheyn,” ayay ku bilowday ararteeda dheer. “Haddii aad qofka is dooneysaan, xalku manoqonayo inaad is meher-xadaan. Waxaa jira jidad kale oo aad u mari kartaan inaad is guursataan. Dad iyo ehel baa jira oo arrinta fududeyn kara.”
Hayeeshe taasi inta badan ma dhacdo. Waxa lagu baraarugo ayaa ah dhamaadka bilowga u ah qarracan mararka qaar nolosha qof iyo ka badan utin ku reeba sida ay sharaxayso Fowsiyo.
“Wallaahi waa naxdin Qudba-sirada qaar,” ayay tiri Fowsiyo. “Maalin aan dheereyn ayaan la kulmay wiil gabar uu meher-xaday furay markii ehelladeedu ka war heleen. Wuxuu yiri waalidkaagu wuu qeylo badan yahay, marka waan iska kaa furayaa. Taasina waxaa beeray Qudba-sirada.”
Balse Yuusuf ayaa ku hal-adag in dhamaadka qudba-sirada uusan mar kasta noqonin fashil iyo kala carar. Caqabadda soo korortana waa bilowga farxadda labada lamaane.
“Gabadhan marka horaba qasab kuma aadan mehersan,” ayuu yiri. “Doonisteeda ayay kuugu soo raacday. Marka haddii wax soo kordhaanna, awalba waa loo joogay, waxaana xalinaya labada dhinac ee reerka lamaanaha.”
Fowsiyo waxay sheegtay in Qudba-siradu noqotay waddo xittaa kuwa aan saboolka aheyn ay adeegsadaan.
“Baryahan waxaaba timid in nimanka lacagta leh ay gabdhaha meher-xadaan ama qudbo-siraystaan – iyaga oo leh ma doonayo in xaaskayga ay iga war hesho,” ayay sharraxday. “Waayo wuxuu leeyahay xaaskayga waa ilmooley maseyr badan. Mana doonayo inay arrintayda la weynaato.”
Muddooyinkii danbe, mowduuca Qudba-sirada wuxuu boqolkiiba tiro aan cayimaneyn hoos ugu dhacay sababo jira, marka loo eego Abdiraxman.
“Dhalintii oo tahriib u batay iyo gabdhihii guryaha joogay oo shaqo la’aan ah ayaa dhacday in Qubda-siradu ay hoos u dhacdo,” ayuu yiri. “Waalid kasta wuxuu is leeyahay iska fududeey gabadha inta ay xumaan kuu keeni laheyd. Waxay dib ugu noqdeen mutidii aheyd gabar guri rageed hakaa joogto ama god hakaaga jirto.”
Dhamaantoodna waxay dirayaan farriimo isku mid. Hayeeshe u kala duwan inta laga yaabo inay noloshooda kamid dhigeen Qudba-sirada.
“Gabar wax-baratay oo hammi leh ma ila ahan inay u bareerayso Qudba-siro, kuwa laga yaabo inay magaalada qariib ku yihiin – haa,” ayay tiri Sowdo.
Xasno ayaa intaas kusii dartay: “Adiga oo heli kara inaad si sharaf leh gabar ku geysato gurigaada, ha usoo marin waddo aanay dadku kugu amaani doonin.”
Si kastaba, aragtiyada da’yartu ka qabaan Qudba-sirada waxay dhinac kaliya ka sheegaa kala duwanaantooda. Xurriyadda xaqqa ah ee gabadha iyo wiilku u leeyihiin inay go’aamiyaan mustaqbalkooda, aalaaba waalidiin badan ma jecleystaan inay gacmaha u galiyaan. Wax caadi ah ayay iska noqotay in waalidku ilmihiisa ku yiraahdo hebel iyo heblaan kugu daray. Halka laga yaabo in ku kala duwanaanta heybta uu waalidku ugu diido gabadhiisu inay la aqal-gasho inanka ay ula timid.
Hayeeshe inta door midaysan lagala hortagayo is-jiitanka ka dhex-jira Qudba-sirada, su’aasha ah ma xalbaa mise xaq waxay noqoneysaa mid u baahan jawaab loo dhan yahay.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed ‘Hiraal’
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!