Dayaca iyo Dar-xumida heysata Eeyaha ku nool Soomaaliya

Muqdisho (Himilonews) – Qarniyadii danbe, siiba marka laga tis-qaado ilbaxnimada ay Galbeedku dunida ku hoggaamiyaan, waxaa aad u kordhay fahamka la xiriira adeegsiga noolaha – iyada oo taasi loo marayo waddooyinka kasta oo lagu suura-galinayo inay qeyb ka noqdaan howlaha danta guud ku saabsan oo dowladdu u qabato shacbigeeda.
Tallaabooyinka horay loogu qaaday taaba-gelinta xiriir nololeed isku xiran oo dhex mara Aadmiga iyo noolaha aan dhuuni ahaan loo dhaqan kuma sinneyn kuwa dab-joogta ah oo kaliya. Waxay aheyd wixii ka danbeeyey qarnigii 18aad markii uu bilowday fahamka la xiriira adeegsiga leylinta noolaha aan miciyada wax ku xagan ee dhir-xagatada loo yaqaan iyo xittaa miciyaleyda qaar ee hilibka quuta.
Dadaallada lagu sameeyey in xattaa noolaha dibad-joogta ah oo aan dadka la dhaqmin loo tijaabo geliyo siday bulshada ugu dhex noolaan karaan ayaa ah mid la timid horu-kac laga gaaray hab nololeedka isku xiran ee deegaanka.
Tusaale ahaan, qarnigii 19aad waxaa jirtay in xayawaanno duur-joog ah sida Dameer-Farowga ama Gunburiga la isku dayay in bahda Gamaan ee uu katirsan yahay oo dadka la nool laga mid dhigo. Farowgu waa Gamaanka kaliya oo aan dadka la dhaqmin – waligiisna dibad-joog ka ah xubnaha kale ee qoyskiisa sida Fardaha, Dameeraha iyo Baqlaha. Tallaabtaasi in kasta oo marna aysan noqon mid sidii la rabay iskugu dubba-dhacday, hadana guulaha laga gaaray fahamka nolosha duur-joogta qaar, wuxuu keensaday in lagu baraarugsanaado tarmintooda iyo dabcan sidii looga ilaalin lahaa dabargo’ kusoo daadaga.
Si kastaba, marka aynu si quman isku dul-taagno xiriirka noolaha dadka la dhaqma kala dhaxeeya bulshooyinka, waxaad moodaa in dunida aysan u wada sinneyn fahamka ay ka qaateen abuurka cajiibka leh ee Ilaahay ku beeray xayawaannada qaar. Taasi waxay la timid fal-celin ku aadan in sida badan oo ay u helaan daryeel ay ka dhigan tahay sida togan oo ay qeyb kaga noqdaan baahiyaha qaar oo bulshadu aanay ku helin karin waddo aan ka aheyn adeegsigooda.
Qudradda dabiiciga ah oo Eyga ku beeran waxaa kamid ah in xusuustiisu ay aad uga fiican tahay noolaha kale qaarkood, Wuxuuna leeyahay kartida uu ku urin karo walxaha muddo kahor ku dhamaaday oogada dhulka ama biyaha dhexdooda. Halka dareenkiisa maqalka iyo tayada aragiisuna aysan sahlaneyn oo meel fog ay wax ka dhaweyn karaan. Markii ay taasi si xeel-dheer u fahmeen dunida horumartay, waxaa dhacday in – awooddaas Ilaahay ku beeray uusan la geeriyoon, balse laga faa’iidaysto. Tusaale ahaan, waxaa jirta marka qofka caadiga ah ee reer Yurub ku nool ay wax kaga lumaan ama kaga dhacaan meel uusan kala saari karin urteeda, waxaa Eeyaha la siiyaa fursadda ay kusoo helaan agabkaas. Marka horaba waxaa loo ursiinaya shey lamid ah ama ka ag-dhow, ur ahaan, sheyga lumay  kadibna haddii uu ku jiro webi dhexdiisa ama uu yaallo meel walxo badan ku urursan yihiin, layaab malahan inuu soo helo.
Taas cagsigeedana, xaqa ay u leeyihiin inay u noolaadaan sida noole qiimo leh, waa mid ka dhex muuqata bulshooyika adeegsada. Marka uu qofku jabo, wuxuu dareemayaa xanuunka jabniinka, wuxuuna aadaya goob lagu soo kabo. Si lamid ahna, marka noolaha kale, sida Eyga, uu xubin ka jabo, wuxuu xanuunka u dareemaya sida Bani’aadanka. Sidaas darteed, waxaa jira xarumo loogu tala-galay inay faya-dhowr ku helaan noolaha marka ay shil la kulmaan.
In kasta oo laga yaabo inaan isku aragti laga noqon garashada ku saabsan haddii Eeyaha ku nool dal Muslim ah la siin karo fursadaha ay ku qaban karaan walxaha aan looga maarmi karin, hadana kani waa hal tusaale oo togan kaas oo tilmaama in Eeyuhu ku fiican yihiin inaan la iska indha-tirin awoodda ku jirta.
Hayeeshe, nasiib-darrada jirta waxay tahay in inta badan dunida Muslimka aysan dhinaca fiican ka istaagin xurmada nolosha Eeyaha. Wax caadi ah ayay iska noqotay in loola dhaqmo sida noole aan xaqba u laheyn nolol. Tusaale ahaan, dalalka Muslimiinta Asiya qaarkood sida Pakistan iyo Afghanistan, waxaa jira tartan dagaal oo loo qabto Eeyaha. Xubnaha labada dhinac ee kala leh Eeyahan ayaa sharad ku dhigta in midka xoog badiya uu kan kale ka sugo fulinta balanta ay ku sharatameen inay isku oofiyaan. Mararka qaar, dagaalkoodu wuxu ku danbeeya in midkood uu geeriyoodo.
Soomaaliya oo kamid ah dunida Muslimkana, waxay ku jirtaa goobaha aan xurmo nololeed lagu siinin nolosha Eeyaha. Sooyaalkeenna marka dib loo raaco, ma dhicin in si lamid ah dunida kale loo adeegsado. Waxaa kaliya marmar loo leylin jiray ilaalinta guryaha iyo xarumaha kale ee dowliga ah. Taasi waxay taniyo muddo la nooshahay aragtida liidata oo aan ku eegnay awoodaha Eebe ku galladay. Hayeeshe, waxaa kale oo ay la dhinac timid dhibaatooyin si joogta ah meelaha qaar ay dadku ugu geystaan. Carruurtu waa colka koobaad ee inta badan eryada ama wax-yeela Eeyaha. Halka mararka qaarna aad arki karto dad gaan-gaar ah oo bilaa micno u eryanaya ama u dilaya noolahan.
Inuu yahay Xaaraan, micnaheedu ma ahan inaad xaq u leedahay wax-yeeladiisa – inaadan adeegsanna, kama dhigna inuusan aheyn muwaadin sida noolayaasha kale ee muwaadiniinta ah aan xaq u laheyn inuu kula noolaado.
Umad dhan oo Ilaahay arlada uga dhigay Khaliifo inay gudan waayaan mas’uuliyadda ka saaran noolaha guud ahaan gaar ahaan Eeyaha oo dhibanayaal ku ah gacmaheenna, waxay dhabtii na xusuusinaysaa sida liidata oo aan u gabnay waajibkii Islaamnimo. Dadka qaarkood, waxaa laga yaabaa inay yiraahdaan – xurmada nolosha Eeyaha malahan awlawiyaad ama mudnaan sarreysa. Dabcan, haddii aynu garan weyno inaan sida Shareecadu qabto u adeegsanno, yeynan ku dhibin inay gacmaheenna ku xaraarugaan.
Haddii mid kasta oo kamid ah kuwa wax-yeelaya uu xusuusnaado Xadiiska haweeneydii Zaaniyadda aheyd – taas oo Ey harraadan biyo ku waraabisay kobteeda, kadibna Ilaahay danbi-dhaaf iyo Janno ugu abaal-guday, ugu yaraan noolahani wuu kasoo bogsan karaa il-xumida kaga timid daqaradda iyo dayaca martida looga dhigay.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed ‘Hiraal’
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!