crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin dilay deriskiisa oo dhibaato ku heyn jirtay | HimiloNetwork

Nin dilay deriskiisa oo dhibaato ku heyn jirtay

Italy (Himilonews) – Nin ayaa aad uga carooday shinbirta dadka dhaajisa oo marka uu agmarayo habaarta. Taasina waxaa bartay haweeneyda leh.
Hooyada laba-dhalka ah oo ku nool Talyaaniga ayaa waxaa mindi ku dilay deriskeeda kadib markii sida la tibaaxay ay shinbirteeda u leylisay inay aflagaadeyso.
46-jirka lagu magacaabo Ignazio Frailis oo ku nool degmada Sardinia, waxa uu sugayay Bonaria Contu, oo 60-jir ah, markii uu weeraray deriskiisa.
Frailis waxaa lagu eedeeyey inuu mindiyeeyey 11-jeer deriskiisa isaga oo dhaawacay saaxiibka la socday oo isku dayay inuu difaaco.
Frailis wuxuu baarayaasha u sheegay inuu dilay Contu waayo waxay shinbirteeda bartay inay isaga habaarto mar kasta oo uu ag-maro.
Sarkaal lagu magacaabo Eugenio Fatone ayaa maxkamadda kahor sheegay in 46-jirkan uu kol hore usoo gudbiyay cabashadiisa ah sida uu dhibsaday falkaas.
Frailis kaas oo shaqo la’aan la dhex jooga gurigiisa ayaa maqli jiray dhawaqyada kasoo gaara shinbirtan.
Sarkaalka ayaa maxkamadda u sheegay inuu labada dhinac la hadlay – isaga oo Contu u tilmaamay inay shinbirta ka leexiso aqalka Frailis.
Si kastaba, markii ay ka joojin weysay dhibta ay shinbirtani ku heyso, Frailis wuxuu dilay Contu.
Garsoorka ayaa amray in goob dhaqan-celis oo lagu dejiyo maskaxda la geeyo Frailis. Gar-yaqaan Paolo De Angelis  ayaa yiri; “Kama saarayo arrintan inay ku jirto xaalad maskaxeed. Xattaa shinbir Dhaajisada ugu xun adduunka sabab uma yeeli karto falkan.”
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!