HomeDunida MuslimkaLa kulan - Xaajiga lugta la' ee sannadkan xajinaya!

La kulan – Xaajiga lugta la’ ee sannadkan xajinaya!

MUQDISHO (HN) — Shareecada Islaamku kama horjoogsan ama reebin qofka Muslimka ah ee naafada ah inuu gudan karo waajibka ka saaran inuu soo xejiyo ama cumraysto.

Mohammed Shafiq, oo ah naafo u dhashay dalka Pakistan-na sannadkan wuxuu kamid yahay malaayiinta Muslimiinta ah ee joogta Makka si ay u gutaan acmaasha Xajka iyo cumrada. Wuxuuna dalkiisa uga yimid inuusan lumin fursadda uu ku helay inuu guto waajib kamid ah shanta tiir ee Islaamka.

Soddon sannadood kahor ayuu lugtiisa waayay Mohammed markii gaari weyn uu dulmaray. Laakiin, marnaba ma uusan lumin doonistiisa ku aadan inuu mar un xajka ku aado halkiisa lug ee u hartay, sida uu ku warramay Gulf News.

Markii uu gaaray Makka waxaa ka tan badatay farxadda iyo renreynta waxaana kasoo qubatay ilmo farxadeed.

“Riyadii aan noloshayda oo dhan ku taamayay way ii rumowday,” ayuu yiri.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments