crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan: Ninka guri ka yeeshay diyaarad dhexdeeda muddo 15-sano ah | HimiloNetwork

La kulan: Ninka guri ka yeeshay diyaarad dhexdeeda muddo 15-sano ah

Muqdisho (HIMILONEWS) – Nin Oregon ah ayaa guri ka yeeshay Diyaarad Boeing 727 isaga oo hadana guri labaad ka yeelan raba diyaarad kale oo nuuceedu yahay Boeing 747 oo qaadi karta rakaab dhan 660 gudaha dalka Japan.
Bruce Campbell kaas oo qeyb kamida sanadka ku qaata gudaha Japan wuxuu sheegay inuu doonayo diyaarad kale oo howl-gab ah oo ay adeegsadeen shirkadaha British Airways, United iyo Delta—si uu guri labaad uga yeesho diyaaradda dhexdeeda magaalasa Miyazaki.
In ka badan 15—sano, wuxuu ku dhex noolaa gudaha diyaarad howl-gabtay oo nuuceedu yahay 727 gudaha Portland—isaga oo ka dhex yeeshay musqul, qolal jiif iyo fadhi iyo jiko iyo wixii lamid ah—taas oo ah mashruc qiimo ahaan ugu kacay inuu ku iibsado $220,000.
Haddii gurigu ka dhigan yahay goob negi ah—inaad diyaarad ka yeelato guri waa wax ka weyn nagaadi. Malaha sidaad u suuradeysato ayaad ugu dhex noolaanaysaa,” ayuu yiri Campbell.
Himiladii kobaad ee qorshihiisa ayaa aheyd buubaarta xamuulka ah—balse wuxuu is tusay inay diyaaraddu kaga habboon tahay nolol ahaan.
Wuxuu u sheegay muddaalaha the Express in diyaaraddu ay hal-qiyaas ahaan ku habboon tahay qof ama qoys yar inay gabaadsadaan balse aanay aad ugu ballaarneyn in waddo shaaric ah laga sameysto.
Wuxuu tilmaamay in diyaaradda oo aan laheyn rakaab iyo fadhiyadooda ay kaga dhigan tahay mid lagu dhex mushaaxo—iyo hal majeersi cusub oo ah inaad dhulka iyo dhakada sare ku dul raaxeysato.
Wuxuu kol hore sheegay in dib u habeynta diyaaradda howl-gaba ay tahay qeyb dhan oo kamid ah himilada noloshiisa.
“Aragtideydu waa inaan badalo dabeecadda Bani’aadnimada ee lugta leh diyaaradaha howl-gaba,” ayuu yiri.
Campbell waa tira yar oo kamid ah dadyowga hodantileyda ah ee dunida ku nool kuwaas oo diyaaradaha howl-gaba ka yeesha guri lagu dhex noolaado ama mashaariic kale oo hal abuur leh in kasta oo aanay caddeyn inta diyaaradood ee qaabkan loo adeegsaday.
Halka Campbell uu dhulka diyaarad kaga dul yeeshay guri, markaad tallaab kale sheekooyinkan usii qaado waxaa kale oo aad la kulmi doonta diyaarad kale oo doon laga sameystay.
 DI2 DI3 DI4 DI
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!