crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Bisad kaga luntay qoyskeeda gudaha Giriigga oo dib loogu keenay Berlin kadib ol’ole ballaaran | HimiloNetwork

Bisad kaga luntay qoyskeeda gudaha Giriigga oo dib loogu keenay Berlin kadib ol’ole ballaaran

Muqdisho (Himilonews) – Bisad ayaa dib ula midowday qoyskii lahaa oo ah reer qaxooti Ciraaqi ah kadib markii ay ku kala lumeen safar doonni ka timid Turkiga kuna sii jeeday Giriigga.
Sama-falayaal badan ayaa u ban-baxay inay soo helaan bisadda maqan oo lagu naaneyso ‘Dias’. Bisaddan ayaa jiha-luntay xilli ay qoyskeeda kula sugneyd xeeb ku taalla degmada Lesbos ee Giriigga.
Hooyada iyo shanteeda carruur ayaa quus ka gaaray inay helaan mukulaashooda–kadib muddo maalmo ah oo ay ka baadi-goobayeen gudaha Giriigga kahor intaanay Jarmalka uga soo safrin.
Samafalayaasha ayaa bilaabay ol’ole ballaaran oo dib loogu abaajinyo cidda ay kasoo luntay bisaddan.
Boorar lagu dhigay qoraallo afafka Carabiga iyo Ingiriiska ku qoran ayaa lagu baahiyay gudaha magaalooyinka Giriigga iyo Berlin si loo helo dadka asal ahaan iska leh.
Mrs Anderson ayaa sawirka bisaddan ku dul qortay baraha facebook-ga: “Waxaynu helnay bisadan mana naqaan cidda ay ka luntay. Sidoo kale manaqaan sida ay halkan kusoo gaartay.
Ugu danbeyntii waxaa gacanta qoyskeeda kusoo simay samafalayaasha oo kadib ol’ole ballaaran oo dhanka baraha bulshada ah ku guuleystay inay soo xera-geliyaan.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!