crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Siyaasadda Maraykanka iyo Dunida Muslimka | HimiloNetwork

Siyaasadda Maraykanka iyo Dunida Muslimka

Muqdisho (Himilonews) – Kadib dhicista hoggaankii dheelliyay ee midowga Soofiyeeti sanadkii 1991, Maraykanka ayaa kusoo haray talada koobaad ee dunida loolan la’aan.
Waana kolkaas markii ay dunida ka iclaamiyeen waxa loogu yeero New World Order ama nidaamka cusub ee caalamka.
Kahor xilligan Maraykanka oo galbeed hoggaaminaya ayaa siyaasad ahaan kasoo adkaaday hoggaankii bariga ee midowgii soofiyeeti kaas oo gudihiisa ku sitay caqabadihii burburiyay.
Hayeeshe, inta aynan tooshka saarin maxay ka dhigan tahay siyaasadda Maraykanka ee dunida maanta gaar ahaan caalamka Islaamka, aynu wax yar kasoo garoocano muxuu ahaa dagaalkii qaboobaa ee labadan awoodood dhex maray?!
Kadib xigista dagaalka labaad, kororka neecaw culus oo kala maan ah ayaa ka dhex bilaabatay awoodihii waaweynaa ee soo adkaaday dagaalki labaad. Tani waxay kusii fiday koritaan dhumuc leh oo is-maandhaaf ku saleysan. Taas ayaana lagu magacaabaa dagaalkii qaboobaa!
Dagaalkaas wuxuu socday in-ka badan 40 gu’yaal am anus qarni. Wuxuu kasoo fiday Yurub oo ah halkii laga soo asal-guurshay kuna faalalay ifka intiisa kale intii u dhaxeysay 1945—1989.
Maxaa loogu magacaabay dagaalkii qaboobaa?!
Majirin dagaal toos ah ama fool ka fool ah. Wuxuu ahaa dagaal, maxaa yeelay waxaa jiray laba gaashaan buur oo mid kasta heysto hub iyo agabyo casri ah oo militariga loo adeegsado. Mid kasta wuxuu lahaa is-bahaysi xeelad iyo xoogba leh. Waxaa lagu magacaabay dagaal qabow, maxaa yeelay majirin dirir quman oo u dhaxeysay awoodihii waaweynaa in kasta oo jiraalka iska hor imaadyo iyo bowda-qaawis yari laga yaabay inay isku rogaan dagaal weyn.
Dhamaan qalabyada iyo agabyada dagaalka waa ay jireen. Dhacdooyin, hubeyn, qalabeyn dagaal, xeelado iyo borobagaando si ay u gaaraan ujeedkooda ama ay uga dhaadhiciyaan dalalka kale inay kusoo biiraan.
Waxaa jiray cabsi, anfariir, baratan, isku dayo iyo muran u dhaxeeyey laba awoodood. Hadana dhab ahaanta dagaal toos ah ayaa laga fogaaday. Midkoodna ma dooneyn anba-qaadka dagaal kulul inuu majaha lagalo. Dabcan jiritaanka hubka wax gumaada ee Nugliyeerka ayaa sababteeda iska laheyd.
Kumay ahaayeen awoodihii waaweynaa?!
Awoodaha waaweyn waa dalal leh tirooyin wax dheef ah. Waxay si guud u leeyihiin dhul weyn oo hadan ku ah ilo dabiici ah, dadyoww tira badan, dhaqaalo milga leh, warshado waaweyn iyo xeerin iskaashi ganacsi shisheeye oo dhaqaalahooda hodmiyay.
Mid kale ayaa ah xasiloonida siyaasadeed oo loo geeyey ciidan xoogag qalab sida ah oo leh hub casri ah ayaa siisay awooodihii waaweynaa saameyn caalami ah.
Qarniyo badan, reer Yurub ayaa ahaa awoodihii waaweynaa hayeeshe, qarnigii 20-aad iyo dagaalkii labaad kadib, awoodihii reer Galbeedka waxaa badalay Maraykanka, Midowgii soofiyeeti iyo waxyar kaidb Shiinaha oo qaatay madasha xoogaga Yurub.
Dagaalkii qaboobaa, si walbaba, waxaa loo tix-geliyaa inuu ahaa rabshado iyo qalalaaso u dhaxeeyey shuyuuciyad iyo dimuqraadiyad. Laba awoodood kuwaas oo soo if-baxay kadib hoggaankii dheelliyey ee reer Yurub iyo hadimmadii ay ka dhaxleen dagaalkii labaad.
Si kastaba, gunta iyo yoolka uu kasoo iba-furmay dagaalkii qaboobaa waxaa dib loogu celiyaa kacaankii Ruushka ka dhacay 1917.
Intii hadaba lagu jiray dagaalkii qaboobaa waxaa dhacay dagaallo badan oo dunida Muslimka qeyb ku laheyd. Dagaalladaas waxaa ugu mudnaa kii Fiitaam ee dhacay ‘1965—1975’, Carabta iyo Isra’il  saddex jeer sida 1948, dagaalkii lixda beri 1957 iyo dagaalkii Octobar, labadii Kuuriya ee 1950 iyo dagaalkii Afrika ka dhaca kii ugu weynaa taariikhda qarniga 20-aad ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977.
Labada awoodood oo caadiyanba kala taageersanaan jiray dalalka ay xulufada yihiin, waxaa dhci jirtay inay marar ku jabaan. Tusaale ahaan, Maraykanka wuu ku jabay dagaalkii Fiitnaam. Waxaanay taas abuurtay inuu siyaasaddiisa fara-galineed wax ka badalo.
Midowgii soofieeti oo ciidan dunida soo mara kuwii ugu qalabeysnaa watay, wuxuu dagaal 10-sano ku dhawaad qaatay ku qabsaday dalka Afghanistan. Balse gabagabadii, Ruushku aad bu ugu jabay dagaalkaas.
Isla dagaalka sheekadiisa waa taxane kamid ah bilowga dhamaad ee awooddii Soofiyeetka iyo kobaca quwadeed ee awoodda Maraykanka.
Maanta,  siyaasadda Maraykanka ee dunida oo dhan aad bay uga duwan tahay midi uu kula macmiloon jiray qarnigii 20-aad. Dunida Muslimkana, aad bay uga deyriyaan hab-la-dhaqankiisa.
Marka aynu eegeyno siyaasadda Maraykanka ee Muslimiinta ku nool daafaha iyo kuwa dalkiisa ku dhaqan oo u doodis iyo qadarin lala garab istaago aad bay u kala fog tahay siyaasad ahaan.
Sida laga aqrisan karo nuxurka qoraaleedyada kasoo baxa Aqalka Cad, Maraynkanku siyaasaddiisu ma ahan mid liddi ku ah diinta Islaamka. Waxaa kaliya oo uu kasoo horjeedaa xagjirnimada kusii fideysa dunida Muslimka.
Hayeeshe in intee la eg ayay xagjirnimadu kaga badan yihiin Muslimiintu diimaha kale? Waa su’aal uu Maraykanku jawaab u waayay.
Bilowgii qarniga 21aad, Maraykanka oo kaashaneysa gaashaan-buurta NATO wuxuu dagaallo ku qaaday dalalka Afghanistan iyo Ciraaq halkaas oo tiro malyuun ku dhow oo Muslimiin ah uu ku xasuuqay Ciraaq oo kaliya?
Waxyar kadibna waxaa la ogaaday in dagaalkii lagu qaaday tusaale ahaan Ciraaq uu ahaa mid tuhman balse aan lagu helin wixii lagu xalaaleystay ee ahaa hubka halista ayuu Sadam Hussein heystay.
Hadana dad badan iska weydiiyay su’aal ah haddii tiro Muslimiin aan waxba galabsan tuhun loo gumaaday miyaysan wali xagjirnimada uu Maraykan doonayay soo idlaanin?
Sida uu Maraykanku had iyo jeer dunida ugu baaqo in dimuqraadiyad iyo sinnaan lagu noolaado, uguma wada gurmado umadaha oo dhan. Tusaale ahaan, Serbiya waxay xasuuq aan cidi dafiri karin ku gumaaday tira badan oo Muslimiin Bosniya ah. Hindiya waxay falal ka dhan Bani’aadminimada taniyo 1947 ku heysay Muslimiinta yar ee dalkeeda iyo Kashmiirta ay gumeystaba ku nool.  Rayidka gumaadan ee reer Falastiin maxaa Yuhuudda looga qaadi la’yahay xaqqooda?  Intee lagu ilaaway Muslimiinta Burma ee Rohingya kuwaas oo dhulkoodii lagasoo irdheeyey. Hadduu Maraykanku runta ka abbaarayo dhacdooyinkan, maxaa dunida Muslim ka dhigay kuwa loogu dhibaateyn badan yahay?
Haddii xittaa dimuqraadiyadda laga eego, maxaa loo riday hoggaannadii sida dimuqraadiyada leh loo soo doortay ee Maxamed Mursiga Masar iyo  al-Jeeriya 80-meeyadii.
Meel walba oo dunida maanta kamid ah, Muslimiintu waa kuwa loogu dhibaateynta badan yahay—waana kuwa loogu gurmad yar yahay xaggooda.
Su’aashu waxay mar labaad ku laabaneysaa in intee la eg ayuu Maraykanku dhibaatooyinka uga meermeerayaa wax ka qabashadooda?
Dad badan waxay qabaan, kasokow Islaamnimada, in siyaasadda Maraykanka ee dunida maanta ay ka dhigan tahay in—siyaasaddu aanay saaxiib joogto ah laheyn balse ay leedahay dano joogto ah.
Isha: Mustaqbalradio.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!