crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Markuu Maseyrku miidaamo isku badalo | HimiloNetwork

Markuu Maseyrku miidaamo isku badalo

Muqdisho (Himilonews) – Nin ayaa lagu qaaday danbi ah inuu si ula kac ah u dilay saaxiibtiis kadib markii uu ka hinaasay niman badan oo ay la hadli jirtay, sida laga soo xigtay bileyska Hindiya.
Bileyska Dehradun ayaa sheegay in 27-jirka Ashish Kumar uu sawir la galay saaxiibtiis kahor inta uusan dilin.
Kadib dilista Gurpreet Kaur, oo 30-jir aheyd, Kumar ayaa dhex galay hoteel u dhow isaga oo isku dayaya inuu is daldalo.
Marka loo eego warbixinada bileyska, Kumar ayaa sawir lagalay xilli uu tuhunkeeda qabay in saaxiibtiis ay rag kale la dhinac waday isaga.
Wuxuu luqunta uga xiray xarig isaga oo ku ceejinaya–balse markii ay taasi u shaqeyn weyday ayuu gowracay ama bireeyey. Kaur ayaa qeyla-dhaansatay balse markii loo soo gurmaday waxaa loo yimid iyada oo meyd ah.
Kadib dilista, Kumar ayaa farriimo u diray saaxiibadiisa isaga oo u sheegaya inuu dilay saaxiibtiis.  Waxaa kale oo uu shaashadda tilifoonkiisa saartay sawirka isaga iyo saaxiibtiis uu la galay kahor inta uusan dilin.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!