crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hal mid iska weydii Singapore?! | HimiloNetwork

Hal mid iska weydii Singapore?!

Muqdisho (Himilonews) – Horumarka la sheego gebigiis wuxuu ku saleysmaa sida ay u wada fal-galaan saddex siyaabood oo kala ah tirada dadka, dhulka iyo waqtiga la heysto. Sida saddexdaas la iskugu geeyo ayuu ku saleysmaa horumarka la sheego gebi ahaantiis.
Bilowga kacaankii warshadaha ee Yurub ka beekhaamay qarnigii 18aad, waxaa ku wajahnaa labo caqabad oo kala ah helidda kheyraad ay warshadeystaan iyo tira shaqaale ah oo xoojiya wax soo saarkooda. Waana mar lagu qiyaasi karo xilligii ay dhalatay qeybsiga Afrika oo labadanba qani ku aheyd kuna ah ilaa hadda.
Balse waxaa jira hal beegyo dhaqamo ah oo ka baxsan saddexdan arrimood kuwaas oo soo saara natiijada wax-galnimadooda.
Tusaale ahaan, Singapore oo ah dalalka ugu yar dunida, waxaa ku nool bulsho kala jinsiyo ah oo isugu jira Hindi, Malay, Shiinees iyo iska dhalka Yurub—Aasiyaan. Singapore oo ah dal aan laheyn wax macdan iyo kheyraad ah—kaas oo xittaa biyaha badda filtaraysta, wuxuu awooday inuu dunida ka noqdo dalalka ugu sarreeya dhaqaale ahaan: halkaas oo daqliga qofkiiba soo gala sanadkiiba uu gaarayo 32,000 oo doolar.
Waxaa intaas dheer Singapore waa dal ay ku nool yihiin ummad xittaa aan isku diin aheyn. Islaam, Buudis, Hinduu iyo Kirishtaan ayaa ah diimaha kala duwan ee laga aaminsan yahay gudihiisa.
Markii ugu horreysay ee Singapore ka go’day Malaysia, wixii ugu mudnaa ee ay ku dhaqaaqday ayaa ah in marka hore la simo umadda–u eegis la’aan yaa ku badan iyo yaa ku yar?!
Ra’isul wasaarihii hore ee Singapore  Liik Wan Yuu oo muddo ka badan 30 iyo dhowr sano maamulayey –wuxuu kasoo jeeday jinsiyadda Shiinees oo ah midda ugu badan gudaha Singapore. Balse si loo helo ummad si siman u wada nool cuqdad la’aan, Liik Waan Yuu wuxuu qaatay wax mideyn kara bulshadiisa oo ah inay af-Ingriis ku wada hadlaan—una halgamaan horumarinta hal-qoys oo Singapore la yiraahdo. Taas oo waxyar kadib ka dhigtay inay kusoo if baxaan dal—dhab ahaan u qaatay magaciisa runta ah ee magaaladii Libaaxa.
Soomaaliya oo manafacsiga kheyraadkiisu uu 100 laab ka weyn yahay tirada dadkiisa, waxay ka hooseysaa Singapore oo aan laheyn wax kheyraad ah.
Dal waqti nagu filan, dhul naga badan iyo dad naga batay laga heli karo, hadana wali kaalmaha koobaad kaga jira kuwada gaajada lagu sheego, waa su’aal xittaa maalinta Aaqiro inoogu madlan jawaab u helisteeda.
Ma ahan horumar waxa aynu maanta tilmaamaynaa, ee waa himilo iyo han qoto dheer oo aan loo helin in lagu horumariyo dalkan.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!