crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ma gaboobo Caashaqu: lamaanuhu qalbiyaday iska arkaan maya indhaha–nala ogow xaqiiqada oo aqriso sheekadan | HimiloNetwork

Ma gaboobo Caashaqu: lamaanuhu qalbiyaday iska arkaan maya indhaha–nala ogow xaqiiqada oo aqriso sheekadan

Muqdisho (HIMILONEWS) – Abbaan-warayaal badan oo dunida ku nool waxaa dhacda inay rucub ubaxyo ah hadiyad ahaan ugu keenaan afooyinkooda si ay farxad iyo jaceyl ugu beeraan.
Hayeeshe, hal sey oo ku nool dalka Japan waxay ula kacday doc kale kadib ku qaadashada 10-sano inuu beer qurux badan oo ubaxyo iyo doog leh ku beero si uu ooridiisa oo indha la’ uu ugu fududeeyo inay ku hesho tira badan oo soo booqda si aanay cidlo u dareemin.
Toshiyuki Kuroki iyo ooridiisa Yasuko, oo kasoo jeeda Miyizaki, waxay is-qabeen muddo ku dhow 30 sanadood ah kolkii Yasuko ay dhibaato kala kulantay dhinac aragga.
Toddobaad gudihiisna, Yasuko way indha beeshay.
Ahaanshaha inay xanaaneysato horin Lo’ ah, waxay tahli weysay inay sii waddo shaqadaas. Sidaas darteed, waxay ku hartay dabaadiga oo ah inay u baahato gacan ka baxsan teeda oo gargaarta.
Waxay dalxiis ku qaateen dhamaan gudaha Japan iyaga oo golaadsaday inay howl-gabnimadooda kula dabaal-dagaan damaashaadka dhulkooda.
Labaduba way moral-jabeen kol haddaysan heli karin aragti indha is-jecel isku dhiib-dhiibisa–Yasuko-na waxay qolqolka la jifsatay niyad-jab.
Hayeeshe, Kuroki waxaa ku dhalatay fursad kale oo uu ku bogsiin karo hiyiga afadiisa–waana markan kolkii uu bilaabay fikradda ah inuu xeradii Lo’diisa uu ku badalo aseendo–ubaxyo iyo doog ku shaadiran.
Waxay ku qaadatay sanado isku xiran oo kala howl ah inuu kusoo saaro aseendo qurux badan oo ubaxyo kala jaad ah ay ku yaalliin iyo fadhiyo dadka soo booqda ay ku nastaan.
10-sano, Yasuko waxay heshaa fursadda ah inay wehel badan oo joogto ugu yimaada aqalkeeda ay kaga nasato walbahaarka kalinimo. Waxaa sanadkiiba soo booqda tira ka badan 7000 oo qof kuwaas oo sawirro iyo damaashaad ku gala dhexdeeda.
Wax ka badan ubaxyo qurxan iyo doog dhaaya-tiiran ayaa halkan qofkii yimaada ka bartaa–taas oo ah sheeko jaceyl aan gabow arag oo ka dhex-jirta lamaane gabow ku sugan.
Xittaa qeyb kamid ah beerta ahaan jirtay xero Lo’aad, hadda waxaa laga dhigay xarun matxaf ahaan loo dhigay sooyaalka iyo sheekada xiisaha badan ee labadan lamaane ee da’da 80-jirka kusii socda.
Balse in intee la eg oo jaceyl qoto dheer oo qalbiga ku negan ayaa maanta laga dhex heli karaa guud ahaan dhallinta maanta?

ubax2 ubax3 ubax4 ubax5 ubax6 ubax7 ubax8 ubax9 uba10 ubax10 ubax11 ubax1

Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
 
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!