Haku seexan tilifoonkaada

Muqdisho (HIMILONEWS) – Bileyska New York ayaa kaga digay dadka inay tilifoonadooda kula seexdaan barkimahooda kadib soo ban-dhigista muuqaallo muujinaya dad halis ku noqday iyaga oo moobilladooda kula jiifa barkimahooa.
Inta badan dhalinta ayaa caadeysta inay mobilkooda barkinta hoos-galiya iyaga oo ku dul-jiifanaya–iyada oo qaar moobilkooda kaarikeysmayo.
Saraakiisha ayaa barta twitter soo dhigay moobillo ku hoos gubtay barkimo lagu dul-jiifay.
Qolada dab-damiska qaabilsan ayaa kol hore sheegay in mobilka oo la hoos-dhigo jaadariga iyo barkinta dhexdooda ay sababi karto inuu kululaado deedna qarxo.
David Berardesca, oo madax ka ah waaxda dab-damiska ayaa yiri: “mobillada oo looga dul-tago sariiraha iyo barkimaha dhexdooda waxay sababtaa in mobolku kuleyl la qarxo–waayo hawo ku filan mahelayo,”
Marka loo eego dhab ahaanta tusmadiisana, ku dhawaad dhacdooyin taxan oo iska daba dhow ayaa lagu helay kiisaskan kuwaas oo dhibaato kala duwan oo halis leh kala kulmay.
Si kastaba, waxaa lagula talinayaa cid kasta oo caadeysata inay ku seexdaan tilifoonnadooda.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!