Daanyeer loo xiray tuugnimo

Muqdisho (HIMILONEWS) – Daanyeer qalalaaso ba’an waday ayaa waxaa xabsiga u taxaabay bileyska kadib kolkii lagu soo eedeeyey inuu shantii bilood ee lasoo dhaafay cunto ka xadi jiray dadka deegaanka, sida laga soo xigtay bileyska Hindiya.
Dhacdooyinkan ayaa ku baahay gudaha Sion—dadka deegaanka ayaa farax la qeyliyay markii bileysku ay jeebayn iyo dabrid iskugu dareen.
Luqunta daanyeerka ayaa xarig lagu xiray kahor intaan loo dhaadhicin xabsi gaar ah oo loo sameeyey.
Daganayaasha ayaa sheegay Daanyeerka la qabtay uu kamid ahaa saddex Daanyeer kuwaas oo gaaf-wareeg jiray cidaha—iyaga oo qalalaaso kicinaya.
Daanyeeradan ayaa lagu arka jiray gudaafadaha, xafiisyada iyo saqafyada dushooda kolkay cunto jeedaalinayaan—iyaga oo xittaa dadka ka dhici jiray cuntaday sitaan.
Subaxdii Jimcaha, daganayaasha ayaa arkay Daanyeer cid u dhacaya kahor intaanu kala soo bixin cunto bisil iyo qudaar.
Daanyeerkan ayaa lagu sii deyn doonaa keymaha miyiga ee waqooyiga Mumbai.
Sarkaal ka tirsan waaxda Keymaha Hindiya ayaa sheegay in daanyeerka lagu sii deyn doono keynta kadib kolka la go’aansado suura-galnimada inuu ku dhex noolaan karo.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!