crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> LAKULAN: Dadka Qashinka Lacag ka sameeyey. | HimiloNetwork

LAKULAN: Dadka Qashinka Lacag ka sameeyey.

Muqdisho (HIMILONEWS) – Halka qashinku nagu hayo dhib caafimaad, dalalka horumaray waxay ku qabaan dheef ganacsi lacag ka sameynta qashinka. Sida ay horayba u yiraahdeen “A country’s trash is another country’s treasure” oo macnaheedu yahay “Dal qashinkiisa wa quudka dal kale,” Jarmalka ayaa soo galaya booska koobaad ee dalalka qashinka u badala hanti lacag laga sameeyo. Gebi ahaan qashinka ay maalinle usoo saaraan muwaadiniinta Jarmalka, waxaa dib loogu celiyaa warshadeyn–halkaas oo dib loo adeegsado mar labaad. Halka xaabada iyo xashxashka soo harana laga dhaliyo danab-koronto.
Hadda Afrika waxaa ka bilowday kacdoon ka dhan ah lacag in laga sameeyo qashinka. Sida hadaba aynu u ogaano heerka iyo halka ay ka bilowdaan hal-fikirka raasamaal ee qashinka, aynu soo qaadano mid iyo laba kasoo qaadano tusaalayaal badan oo Afrika ay ka hirgaliyeen dhalinyaro da’yar ah.
Bilikiss Adebiyi Abiola –  Waxay ku nooshahay Nigeria oo kamid ah dalalka ugu tirada badan Afrika–kaas oo maalin kasta soo saara qashin dhan 10,000 oo mitirc tan. Waxay madax ka tahay shirkad lagu magacaabo We-cyclers, oo qashinka dib-u-habeysa deedna sii iibisa. Bilikiss waa ardayad jaamacad ka qalin-jabisay taas oo shaqada kaliya ee ay dooratay ah–ururinta qashinka, si lacag looga sameyn karo. Isku xirka adeegga iyo adeegaha bulshada, We-cyclers waxay shaqaalahoodu ku socdaalaan mootooyin yaryar oo gadaal wax laga saari karo.
Toddobaadkiiba laba jeer ayay mootooyinku soo galaan xaafadaha iyaga oo caagadaha, bacaha, qajaclayaasha iyo dhamaan agabyada wax lagu cabo sida Shaaniyada ka qaada guryaha iyo goobaha ganaciga. Si loogu muujiyo in dadku adeeggan qeyb weyn ku leeyihiin We-cycler waxay hadiyado iyo lacag iibsi ahba siisaa dadka ay agabyadan kasoo gurbiso. Tira isasoo taraysa oo shaqaale ah ayaa kamid noqday shirkadda ay Bilikiss ka aasaastay gudaha dal—50% dhalinyarada ku nool ay shaqo-la’aan ku yihiin dhexdiisa.
Lorna Rutto oo ah gabar Kenyaati ah ayaa iyadna kamid ah tusaalaha qayaxa sida lacag looga sameyn karo qashinka. Rutto waxay kasoo tagtay shaqadeedii bangiga iyada oo gun-dhigtay EcoPost oo kamid ah shirakadaha ugu waaweyn ee dib-u-adeegsada haraadiga qashinka.
Rutto shaqadeeda ayaa laameysay 10,000 oo xarumood–halkaas oo shaqa-abuur ay u nooqtay in-ku-dhow 500 muwaadiniin Kenyaati ah. Waxaa kale oo dakhli ku dhow 150,000 oo doolar ay ku kordhisa miisaaniyadda Kenya.
Lorna oo shaqadeedii bangiga uga soo haliishay inay himiladii ay laheyd hir-galin ku aragto, waxay sharaxday inaysan tani uga dhigneyn wax ka hooseeya badbaadinta dalkeeda taas oo ah inay dhinto nabaad-guurka iyo gabaadka duur-joogta oo sida ay sheegtay badi lagu tiirsanaaday dhirta in dhinacyo badan looga adeegsado.
Lorna ayaa heshay abaal-marinta hal-abuurrada da’yarta Kenya iyada oo aad loola dhacay yoolkeeda.
Hadda waxay ganacsigeeda kusii ballaarinaysaa dhagax-dhiga warashad cusub oo howlaheeda ku fududeysa inay dibadda u iib-geeyaan agabyadooda sanadaha soo socda taas oo iyadna dakhli shisheeye ee miizaanyada Kenya lacago badan ugu soo xereyn doonta.
Qofka saddexaad waa Andrew Mupuya oo u dhashay dalka Uganda. Mupuya oo 16-jir ahaa kolkii uu helay shirkaddiisa YELLI oo ah shirkaddii koobaad ee soo saarta boorsooyin iyo baco ka sameynsan baakado, wuxuu fikraddiisan ganacsi bilaabay sanadkii 2008—markaas oo ku beegan kolkii dowladda Uganda ay mamnuucday isticmaalka bacaha si loo dhimo hadimmada deegaanka.
Wuxuu wali ku jiray heerka sare ee dugsiga waqti labadiisa waalid ay lumiyeen shaqadooda. Mana uusan heysan wax raasamaal ah. In la bilaabo wax soo saarka ganacsiga waraaqaha, Andrew wuxuu tirsiistay inuu u baahan yahay lacag ku dhow 36,000 oo shilinka Uganda ah una dhiganta (14$). Wuxuu 11 doolar kasoo saaray iibinta 70 kilo oo dhalooyin qajaclayaal ah oo la isticmaalay kadibna wuxuu saddexdii doolar ee uga dhinneyd raasamaalka uu kasoo amaahday macalin iskuulkiisa.
Halka uu isku geynayey raasamaalkiisa, Andrew wuxuu booqday dukaamada, maqaayadaha iyo goobaha ganacsiga si uu u ogaado inay jiraan baahi joogto ah oo ku aadan baagaga waraaqaha ka sameysan.  Doonistuna waxay aheyd kuna hartay mid ballaaran. Ma aqoon sida loo sameeyo sancadan. Sidaas darteed, wuxuu kasoo bartay muuqaallada iyo baraha internetka. Waana sidaan qaabkii uu u bartay sida loo sameeyo.
Maanta ganacsiga Andrew aad buu u kobcay. Shirkadiisa soo saarta baagaga waraaqaha ka sameysan hadda waxaa ka shaqeeya 20 qofood waxayna soo saartaa shirkaddiisu wax ka badan 20,000 oo baagag ah toddobaad kasta. Baagaga oo dhan waxaa lagu sameeyaa gacmaha walina mana awoodo inuu mashiin iibsado.
Macmiishiisa keydka ugu jira waxaa kamid ah maqaayadaha, baqaarada tafaariiqda, dukaamada waaweyn, xarumaha caafimaadka iyo sidoo kale shirkadaha caalamiga ah sida Samsung Uganda. Shirkaddiisa YELI ayaa sidoo kale u sameysay 1000 baagag haaneedan ah  baqaarrada shirkad koronto oo local ah.
Sanadkii 2013, ayaa ku guuleystay 30,000 doolar oo Anzisha Prize—oo ah abaal-marin lasiiyo hoggaannada hal-abuurrada da’yarta Afrika lana wadaagay wax-qabadkiisa waaya’aragan kanaallada dunida sida fogaan-araga CNN.
Si kastaba, inta aan la’nahay da’yar noogu sara-kacda si ay lacag uga sameeyaan qashinka iyo gudaafada, waxaa marti aan la mahdin inoo ahaan doona cudurro badan oo galaafta nolosheenna iyo ceyr aan tahli weyno kasoo kabsashadeeda.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!