crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shilkii Daalo: Dhacdo mise Dhoodhoob | HimiloNetwork

Shilkii Daalo: Dhacdo mise Dhoodhoob

Muqdisho (HIMILONEWS) – Qof loo maleynayo inuu kamid yahay xagjirrada al-Shabab ayaa maleegay qarax sababay in diyaarad duullimaadkeedu ahaa Flight D3159  oo ay leedahay shirkadda Daallo airlines lagu qasbay inay halhaleel ku caga-dhigato—iyada oo dhinac ka gubaneysa—garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Sidaas waxaa qortay Wall Street Journal. Mid lamid ah tiraabtan waxaa si guud usoo tebiyay warbaahinnada reer Galbeedka iyo Maraykanka—dhacdo sidii ay aheyd si ku duwan dunida loogu sawiray, sida dad badani qabaan.
Marka loo eego waaxda Sirdoonka Maraykanka, walxo halis ah oo qarax qasaaro badani geysan karay ayaa laga helay gudaha diyaaradda sida ay qortay Dailymail oo intaas oo kusii dartay in haddaysan diyaaraddu si halhaleelan ugu dagi laheyn garoonka uu qasaaruhu intaas ka badan lahaa.
Dowladda Soomaaliya waxay dhinaceeda sheegtay in baaritaan qoto dheer uu ku socdo sababaha kallifay shilka diyaaradda. La shaqeynta qubaro caalami ah oo ku xeel-dheer duulista iyo odoroska cimilada, waxay niyad-wanaag ka muujiyeen in baaritaanku dhalo miro hoobaan ah—hoobaan dad badan gaheyrka loogu dhiibay kahor biseylkeeda—si bay yiraahdeen farta loogu fiiqo xaqiiqda dhabta ah ee salka ku heysa shilka kadiska ah ee diyaaradda Daallo airlines.
Runta ah in dowladda Maraykanka ay kol hore ka digtay in Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu halista daran ee loo duullimaad tago, garoonka Adan Cadde ayaa ka dhigan inuu kamid yahay garoomada ugu cabsida badan ee diyaaradi ku dagto.
Taasi waa in diyaaradaha caalamiga ah ay ka foojignaadaan inay duullimaad ku aadaan Soomaaliya. Midda ka dhaga-barjowda digniintaasna, waxay u dhowdahay inay halis ku keento laftigeeda iyo rakaabkeeda.
Guntii saadaashaas way dhacday. Balse kuma dhicin halistaas laga digay diyaaradda kaliya ee caalamiga ah ee Soomaaliya ka shaqeysa—taas oo Turkish airways.
Shirkadda diyaaradaha Turkiga oo aheyd middii koobaad ee usoo bareertay waxa reer Galbeedku ku sheegeen digniin halis badan, waxay jawaab hufan u noqotay qatarta lagu tibaaxay in Soomaaliya diyaarad caalami ah aysan ku dagi karin.
Taniyo 2011, oo ku beegan xilligii abaarta darani ku dhufatay gobollada koofureed ee dalka, shirkaddu waxay ergo caalami ah—oo ay kamid yihiin madaxda dowladda Turkiga sida madaxweyne Erdogan usoo safrinayeen Soomaaliya. Waxaa kale oo ay duullimaadyo caalami ah ka sameysay Soomaaliya.
In diyaarad caalami ah si hufan oo habsami leh ay duullimaad ugu tagto meel lagu sheegay inay kamid tahay meelaha ugu halista badan ee diyaaradi ku dagto, waxay ka dhigan tahay digniin qabyo ah oo reer Galbeedku si hadoodilan ay Soomaaliya ugu dareen dalalka ay muhiim tahay in duullimaadyada caalamiga ah ay ka caaganaadaan.
Sidaas waa halbeegga aragti ee Turkigu ay kusoo kordhiyeen dal—warbaahinta reer Galbeedku ay ku shaadiraan humaagay doonaan—inay ka gudbiyaan sawir kale oo ifafaalo sita—sawir ah in laamaha ammaanka ee garoonka caalamiga ah ee Muqdisho ay dadaal aan bojiino laheyn ay ku bixiyaan nabad-sugista iyo ilaalinta ammaanka ee gudaha iyo gaararka gegida.
In-kasta oo sida lahubo laamaha ammaanka ee garoonka ay kamid yihiin kuwa ugu geyfan uguna doorran sugidda nabad-galyada, hadana, maxay ku dhacday qarax la sheegayo inuu halis ku keeni rabay diyaarad siday rakaab ku dhow 200 oo qof inay haligmaan?!
Waa su’aasha aanay wali cidi jawaab u heli karin ilaa hadda oo aan ka ahey qofkii mar booqda ama ay dani kasoo gasho garoonka Adan Adde inuu kasoo galo qeybta kontroolka ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta.
Hubaashii, marka qof dan-wadaag ay la yihiin shaqaalaha AMISOM uu soo galayo garoonka, waa iska caadi in marmar saraakiisha ammaanka lagu amro inay soo daayan qofkaas iyo waxa uu sido—baaris la’aan.
Haddii qof kasta oo iyaga ka socda uu dhankooda kala imaanayo wixii uu doono baaris la’aan—kuweenna Soomaaliyeedna lagu amrayo inay baaris adag oo dayacnaanteeda lagu mudanayo ciqaab-daran ku sameeyaan qof kasta oo soo galaya garoonka, maxaa laga fishaa dhanka AMISOM? In intee la eg ayaa lagu kalsoonaan karaan dhankooda?
Marka loo eego warbaahinnada reer Galbeedka, gaariga ay ku socdaan dadka cuuryaaman ayaa lagu soo rakibay qaraxa sababay in diyaaraddu dhinac ka duleelanto. Taas oo siyaalo badan loo fasiran karo. Mid kamid ah siyaabuhuna ay tahay bukaan-socod ka yimid fadhiga AMISOM ee xerada Xalane oo u dhow garoonka.
Si kastaba, halka ay Daallo iyo dowladda Soomaaliya isku tebinayaan in waxa diyaaradda ka dhacay ay qarax tahay, shirkadda diyaaradaha ee Turkish waxay sheegtay inay kol horaba la soctay suura-galnimada ah in la maleegi karo qaraxa lala beegsan karo diyaarad.
Turkiga ayaa sheegtay inay sal-dhig ku meel-gaar ah ka sameysatay Jabuuti oo loogu keeno rakaabkeeda kaga sugan Soomaaliya halkaasna ay kasii dhoofiso. Waxayna shirkadaha gudaha ah kula jirtay heshiis ah inay rakaabkooda Soomaaliya kasoo qaadaan. Waana Daallo mid kamid ah kuwii siday rakaab ku dhow 100 qof oo shirkadda Turkish airlines ay ku sugeysay garoonka dalka Jabuuti.
Isu-geynta dayacnaanta amni ee AMSIOM ee ammaanka garoonka iyo hadalka qayaxan ee Turkigu ku sheegeen  suura-galnimada in qaraxa dhacay ay kol hore ka baqdin qabeen, waxay marag-ma-doonto u tahay in baroortu orgiga ka weyn tahay!
Xittaa in al-Shabab aysan sheeganin shilkan waxay sii xoojinaysaa in gacan ka baxsan midda dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Daallo ay faraha kula jirtay wixii dhacay.
Si kastaba, halkee laga istaagi karaa faallooyinkan runta ku dhaayo-furanaya?! Waa su’aasha aan jecelnahay inaan la wadaagno dhageystayaasheenna.
Balse inta laga hubsanayo macnaha saxda ah ee laga leeyahay mustaqbalka Soomaaliya, dhacdadan oo kale ayaa ka qiima badnaan doonta dhiigga shacbiga Soomaaliyeed maadaama wax ka yar bil laga joogo markii ku dhawaad 40-qofood lagu dilay qaraxii ka dhacay xeebta Liido iyo kii Ceel-cadde looga dilay dowladda Kenya in ku dhow 100 askari?!
Haddii wax la buunbuuninayo, maxaa indhaha looga laabanayaa dhiigga rayidka laga daadinayo ama dhimashada ciidamada Kenya?!
Dad badan waxay qabaan in dulucdu sheekadu lasiman tahay hadalkii laga qoray af-maalkii Carbeed ee ahaa: “Qof inaad keyn ku disho waa danbi weyn. Qoom inaad halaagtana waa maslaxo.”
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan ‘Hiraal’ 
 Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
 
 
 
 
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!