crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qalliin qaatay 10-saac oo ay qeyb ka qaateen 22-dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal oo lagu sameeyey mataano madaxyada iskaga dhagan | HimiloNetwork

Qalliin qaatay 10-saac oo ay qeyb ka qaateen 22-dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal oo lagu sameeyey mataano madaxyada iskaga dhagan

Muqdisho (HIMILONEWS) – Mataano madax-yada iska dhagan ayaa lagu guuleystay in lagu kala sooco gudaha how-gal qalliin oo ay ka qeyb-qaateen 22-dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal oo caalami ah toddobaadkii hore. 
Qalliinka lagu sameeyey labada gabdhood ee mataanaha ah Tuqa iyo Yakeen al-Khadar oo madaxyada iska dhagnaa taniyo if-usoo baxooda ayaa lagu kala soocay gudaha isbitaalka caalamiga ah ee Riyaad, Sucuudi Carabiya.
Marka loo eego af-hayeenka isbitaalka, qalliinku wuxuu ahaa midki afaraad iyo kii ugu danbeeyey ee lagu sameeyo mataanahan Siiriyaanka ah.
Af-hayeenka ayaa yiri: “Isbitaalku wuxuu mataanahan ku sameeynayey qalliimo u darban midkan ugu danbeeyey taniyo bishii April sanadkii 2014.”
Dr Ahmed al-Furrayan oo qalliinka qaabilsanaa ayaa sheegay inay howshu ku qaadatay 10-saacadood oo xiriir ah—halkii lagu ballamay in lagu fuliyo 12—saacadood.
Wuxuu yiri: “Mataanuhu waxay iskaga dhaganaayeen madaxyada taasina waxay ka dhigan tahay mid kamid ah qalliimada ugu adag uguna dhibka badan ee la fuliyo. “
Gabdhaha mataanaha ah ayaa isku dhagnaa taniyo dhalashadooda afar sano kahor iyaga oo wadaaga lafta madaxa oo aysan wadaagin maskaxda. Taas oo ah hal-cudur ku dhaca mar kaliya 2.5 malyuun ee dhallaan ahba.
Xaaladda gabdhahan ayaa lagu baraarugay kolkii aabahood uu codsi u dirsaday boqor Cabdallaha Sucuudiga inuu gargaaro u sameeyo.
Heerka badbaado ee in lagu guuleysto qalliimadan oo kale waa 60% dr al-Furrayanna wuxuu ka qabay midda togan in qalliinku uu natiijada laga filayo soo saari doono.
Dalka Sucuudiga ayaa ku sameysay 37-qalliin ilmaha mataanaha ee dhasha iyaga oo qeybo iskaga dhagan taniyo 1990 halkaas oo bukaanadu uga imaadeen dalalka Masar, Malaysia. Filibiin, Moroco, Ciraq, Sudan, Siriya, Yemen iyo kuwa kale.
Ku dhawaad 30-kiisas oo nuucaan oo kale ah ayaa la baxnaanshay. Balse waxay dhaqaatiirtu hubsadeen inaysan suura-gal noqon karin in la kala sooco.
Qiimaha inta badan ku kaca qarashka qalliimada waxaa degta surata dowladda Sucuudiga.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!