Maqaal – Hiddaha iyo Dhaqanka lasoo nooleynayaa waa kee?!

Hargeysa (Himilonetwork) – Magaalooyinka waaweyn ee soomaalida intooda badan waxa aynu ku arragnaa ururo dhallinyaro oo soo badanaya, kuwaas oo ku andocoonaya iney soo nooleynayaan hiddihii iyo dhaqankii umada soomaaliyeed.
Dhalinyaradaasi waxa ay isugu jirta intooda badani wiilaal doobab ah iyo hablo gashaatimo ah. Qaar badan oo kamid ah ururadaasina waxa tababaro ku saabsan ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaalida ku bartaan guryo loo kireeyay ama ay iyaguba kireysteen kahor intaaney kasoo hor muuqan xafladaha waaweyn ee munasaabaadka kala duwan ee qaran, xisbi ama ama dad gaar ahibi iskood uqabsadaan.
Hadaba waxa jirra su’aalo dhawr ah oo tahay inaan isweydiino, sida dhaqankii soomaaliyeed haba soo nooleeyaan’e ama haba dhiirigaliyaan’e, hiddihii iyo dhaqankii umada soomaaliyeed ma wada sax buu ahaa? Mise badh baa laga qaadanaya oo laga soo nooleynayaa? Mise waa lawada nooleynayaa?
Waxa hubaal ah in hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed aaney ka madhneyn dulmi, xaq-duudsi amaba’se dayac waajibaadka diineed ah . Waxa aan usoo qaadaneynaa arrintan bal laba tusaale oo kamida dhaqankii hore ee soomaalida.
Waxa la sheegaa in gabayaagii Weerar Bulxan Yuusuf oo la dhashay gabyaagii weynaa ee Qamaan Bulxan Yuusuf uu jeclaaday gabar deegaankiisa ku nooleyd oo la oran jiray Mullaaxo, gabadhaas oo uu aad u jeclaaday Weerar, una tiriyay gabayo jaceyl ah oo badan oo deegaanka caan ka noqday.
Markii ay tolkiisu maqleen arrinkaa waxa ay tolkiisu kula taliyeen inuu gabadhaas iska hadho oo ay iyagu gabar u dhisayaan xeradiisana xoolo uga buuxinayaan.
Weerar ‘se waa diidey arrinkaa ay tolkii ula yimaadeen. Weerar waxa uu qabey gabadh kale, waxa uu lahaa xaas balse xaaskiisa uma soo jeedin markii uu gabadhaas jeclaaday, xaaskiisa ayaa arrintasi aad uga murugootay dhowr jeerna ku guubaabisay odegeeda inuu iyada iimaansado iskana daayo Mullaaxo, laakiin Weerar taas kama daadagin umana cuntamin ee wuxuu sii watay u hanqal-taaggii Mullaaxo.
Gabadhiisu waxa ay bilowdey iney la tashato dumar ay qaraabo yihiin balse halkii ay hiil ka sugeysay ayaa iyadii la canaantay loona sheegay in haddii ay naag ku bannaan tahay uusan ninkeeda naag kale u hanqal-taageen, intay wiirsi u qaadatay ayay qalbiga ka oysa y.
Waxa la sheega in habeen kamida habeenada in ay aad isku soo qurxisey iyadoo isku deyeysa iney soo jiidato odeygeeda, waxa ay udiyaarisey habeenkaa conto aad uga soo shaqeysay oo waqti iyo dadaalba ay galisey. Markii uu weerar usoo hooydey gurigiisa waxaas oodhan bad an kamuu gallin. Waxaanu umuuqdey qof aan ku qancinba. Aad bey uga murogootey xaaskiisu arrinkaa waxa se kaga sii daran kamuu aamuusine, maanso ayuu haddana ka dul tiriyay.
Hararkiyo kebdaha leys dul dhigay, sida haldhaa baalkii
Hilibka cusub, haydaari wan iyo sogob la hoogaanshay
Haruub laban ah, caanaha hoyaad harab karuurkeeda
Habkaad igu baayici, kabaha aad hawda kaga yeerin
Hanka fudud, halkaan yeel ku oran hagar la`aantaada
Haween baad tahay, ee adigoon hadin kobtaan joogo
Waa habi la`aan, dhuunigaad hoo i leedahaye
Hindisaha Mullaaxaa, qalbigu haabo leeyahaye
Haasaawahaan qeybsannaa, magac habeenkiiye
Adoon i hubsan soortaad halligi, ha isku hanaq goyne
Haraggeyga un baad arkiye, kuuma soo hoyane.
Waa gabey si walba dadnimada uga fog, garawsi iyo diirnaxna aanu ka muuqan. Soomaali badan waxa ay ku fasiraan ayay garan waayaan marka laga yimaado jaceylkaa uu uqabey mulaaxo annigu’se Meesha waxa ka dhacaya waxa aan ku fasiri karaa uun ad’adeygiii iyo qalafsanaantii
Ragii soomaaliyeed ay kula dhaqmi jireen haweenka, kaasoo oo loo arkayay raganimo iyo darajo inaan haweenka loo diir naxin.
Weerar Bulxan oo lagu tilmaamo inuu yahay ninka jabiyay dhaqankii ahaa inaan gabey jaceyl ah loo tirin haween, oo iyada laftarkeedu dhaqanka kamid ahayd. oo isagu ahaa gabayaa waliba
wax jeclaadey ayaa sidaa ula dhaqmay xaaskiisa bal kawaran kuwa aan waxba jeclaana.
Malaha tusaalahani waa mid yara kakan daliishiigiisuye aan idiin raaciyo tusaale kaa jilicsan oo fahamka soo dhaweynaya.
waxa la sheega in deegaanada soomalida ay kadhici jirtey in qaar kamida haweenka la qabbo marka ay fooshaan ee ay degdeg umuliwaayaan loo qaadan jirey in ilmaha ay haweeneydu dhaliweydey ay udhashey nin kale oo aan ahayn ka qabba. Sababta uu udhalan layahayna tahay arrinkaas oo qarineysay. Iyadoo geeri iyo nolol geeri udhaw ayaa lagu qasbi jirey iney sheegato inuu ka ilmo dhalay nin aan ninkeeda ahayn. Waxa lagaa dhaadhicin jirey in hadii ay sidaas yeesho oo ay magacowdo ninkale ay soo kala fududaaneyso oo ilmuhu sahal kusoo dhaafi doono.
Caqiidooyinkii iyo dhaqankii soomaaliyeed qaar badani waxa ay meel uga dhacayaan damiirka aadamah, qaar badanina diinteena suuban. Hadii dhaqanka laga qaadanayo inta wanaagsan sida wax soosaarkii dumarkeenu sameyn jireen sida ka muuqata sawirka hoose, lana qubayo inta xun sida afkaarta qaldan bulsheed, fasaadka isdhexgalka raga iyo haweenka ajaanibka kala ah. Waa mid qurux badan oo mudan in la taageero.
Hada ma ila socota?! Ma kuu dhaadhacey maqaalkii yaraa ? dhaqankii iyo caqiidooyinkii soomaalidu wada sax ma noqon karaan’e haddabe dhaqankee la soo nooleynayaa ma kaas dumarka sidaa ula dhaqmey? Ma ka yidhi wiilasha doobaabka iyo gaashaatimahu ha is dhexboodaan ? ma ka heesaha xataa kuwii xikmadu kujirtey ayaaba la qaataye waxa ayaan asal iyo sinji ulahayn heeso inooga dhigey ?
Waxa muhiim ah in waqtigan dadku wax bartey. lakala saaro oo lakala shaandheeyo oo aan qaadano intii inaga anfaceysa ee aan ka horimaneyn diinteena suuban, damiirka sugan iyo caqliga toosan.
W/Q: Abdulkareem Ali Boltuur.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hornafrica408@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!