crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xiddiga Pakistan oo la arkay isaga oo nadiifinaya Masjidka Xaramka | HimiloNetwork

Xiddiga Pakistan oo la arkay isaga oo nadiifinaya Masjidka Xaramka

MUQDISHO (HN) — Xiddiga Pakistan ee cayaarta Kiriket-ka, Mohammad Rizwan ayaa soo jiitay indhaha dad badan oo Muslimiin ah kaddib kolkii la arkay isaga oo wax ka nadiifinaya Masjidka weyn ee Xaramka ee magaalada Makka.

Xiddigan iyo qaar kale oo ay kamid yihiin Babar Azam iyo Iftikhar Ahmed waxay Sucuudiga u joogaan gudashada Xajka iyo cumrada, sida ay kusoo warrantay Dunya News.

Howsha nadaafadeed ee sida joogtada ah looga qabto Masjidka weyn ee Makka waxay u baahan tahay dadaal iyo shaqaale oo halhaleel u nadiifiya hadba meeshii wax ku daataan, waxaana uu xiddigan qeybtiisa ka qaatay inuu la qeybsado howshaas cibaadada ah howlwadeennada kale ee Masjidka xaramka.

Xiddigaha caanka ah ee Muslimiinta waxaa qaarkood inta badan la arkaa iyaga oo ka shaqeynaya howlo nadaafadeed ama samafal kale. Waxay ahayd dhowr sannadood kahor markii xiddiga Sadio Mane la arkayay isaga oo nadiifinaya musqulaha Masjidka weyn ee Liverpool.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!