crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lammaane Xabsi ku mutay Bisad ay ku silciyeen dhaawac soo gaaray! | HimiloNetwork

Lammaane Xabsi ku mutay Bisad ay ku silciyeen dhaawac soo gaaray!

Muqdisho – Lammaane ayaa qirsan inay ku xad-gudbeen noole markii ay ku fashilmeen inay bisadooda gargaar degdeg ah u fidiyaan kadib gaari jug siiyay.
Dharme Kinsey iyo saaxiibtiis, Amy Matthew, oo labaduba ku nool Australia waxaa loo taxaabay xabsiga – halka eygii iyo bisadii ay rabaayadda ka dhigan jireen lagala wareegay kadib kolkii ay ku jeesjeeseen dhaawaceeda.
Marka loo eego dukumentiga maxkamadda, bisadda oo lagu magacaabo Oscar waxaa dhaawac culus uu ka gaaray lugta midig. Hayeeshe lamaamuhu ma aysan ula degdegin goobaha caafimaadka ee xayawaannada lagu dabiibo.
Ugu horreyn, Matthew wuxuu farriin ku saabsan jabka soo gaaray bisadda u dirtay gabadheeda – iyada oo u sheegtay inaysna heli karin adduun ay ku geeyaan goob caafimaad cabsina ay ka qabaan qof inuu booliska ku war-geliyo.
Kadibna waxay farriin kale ugu sheegtay in Kinsey uu lugtii jabneyd ka jaray bisadda. Waxayna usoo raacisay sawirka lugtii jabneyd.
Waxay qoraal ahaan ku tiri; aabe wuxuu mindi ku gooyay lugtii jabneyd ee bisadda. Ma xanuunsan waayo lugtu mar hore ayuu dareenku ka dhintay. Hadda lugtu waxay iga soo fiirinaysaa saqafka dushiisa ee cidda deriska ah.
Waaxda xuquuqda xayawaannada ayaa ka war helay waxayna ugu tageen guriga. Qareenka lagu magacaabo Nicole McEldowney wuxuu sheegay in baarayaashu ay bisado dhaawacan ka heleen kolaygeeda.
Bisadda hadda waxaa la wareegay waaxda xanaanada xayawaanka. Waxaana loo sameynayaa daryeelkii iyo daweyn.
Waaxda ayaa codsatay in Kinsey lagu rido muddo xiliyeed xabsi ah, waayo Bisadu waxay laxawsaneyd muddo dheer mana la siinin daryeelkii ay kusoo kabsan lahayd.
Kinsey wuxuu maxkamadda kahor sheegay inuu uga dan lahaa badbaadinteeda oo uusan kala jeedin xumaan.
Wuxuu iska diiday inuu lugta bisadda ku xooray saqaf dushiisa balse uu ku riday bulaacad.
Kinsey waxaa lagu riday saddex bilood oo xabsi ah. Waxaa sidoo kale lagu amray bixinta ganaax dhan 1,000$ iyo 2800$ inuu siiyo waaxda daryeelka xayawaannada oo hadda gacanta kula jirta daweynta bisadda.
Mattthew iyadana waxaa lagu ganaaxay inay bixiso 1,000$.
Waxaa intaas dheer in lammaanaha laga mamnuucay inay mar kale xanaaneysan karaan bisad ilaa laga gaarayo sanadka 2025-ka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!