crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sawirro – Moobilkii ugu yaraa abid oo lasoo saaray! | HimiloNetwork

Sawirro – Moobilkii ugu yaraa abid oo lasoo saaray!

Muqdisho – Zanco tiny t1 hadda waxaa rasmi loogu aqoonsaday moobilka ugu yar ee abid lasoo saaro. Waxaa lagu keydsan karaa numbaro dhan 300 oo qof. Sida moobillada caadiga ayaad u adeegsan kartaa: farriimaha gaagaaban ayaad ku qori kartaa: kana aqrisan kartaa haddii laguu soo diro.
Muuqaallo laga sameeyey xayaysiintiisa ayaa la arkayay dad badan oo rumeysan la’ inuu yahay moobil iyo in kale.
Caadiyan culeyskiisu wuxuu ka yar tahay shilinka, wuxuuna dherer ahaan aad ula siman tahay USB-yada sida falaashka.
“Waxaan ku faraxsannahay inaan soo saarno moobilkan la yaabka leh. Waxaan ku rajaweynahay inuu qeyb ka noqdo hadyadaha lammaanaha ay isku diraan,” ayaa lagu qoray bogga hore ee shirkadda.
Waana sida loo batay dalabkiisa oo u muuqda mid lammaanayaal badan ay doorbidayaan inay ku daraan hadyadaha ay isku diraan.
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!