Berlin, Germany (Himilonews) – Iyada oo ka hadlaysay qul-qulka soo-galootiga iyo kobaca tirada Muslimiinta ah ee kusoo badanaya qaaradda Yurub gaar ahaan Jarmalka, Angela waxay sheegtay inay muuqato saan-saan ah in Jarmalku uu noqon doono Jamhuuriyad Islaami ah marka lagaaro sanadka 2050-ka. “Waxaynu wajahaynaa is-badallo iyo is-dhexgal bulsho oo nooga imaanaya bulshada Muslimka ah,” ayay tiri Angela Merkel. “Sanado badan ...
Read More »Dunida Muslimka
Xayiraad ay Yuhuuddu kusoo rogtay Falastiiniyiinta
Muqdisho – Israel ayaa u diiday Falastiiniyiinta inay galaan magaalada Jeruslam kadib laba weerar oo 24-saac gudahood lagu qaaday Israel. Xayiraadda oo soconaysa laba maalin ayaa Filistiiniyiinta u diidaysa inay galaan dhulka Jeruslam haddaysan daganeyn. Habeenkii sabtida ayuu ruux Falastiini ah Toorrey ku dilay labo Yahuudi ah. Saacado kaddibna, Falastiini kale ayaa Toorrey ku dhaawacay qof Israeli ah. Booliska ayaa ...
Read More »Ma Hungowdo Daacadi: Xaaji Neyjeeriyan ah oo Alle guuleeyey
Makka, Saudi Arabia (HIMILONEWS) – Xaaji Neyjeeriyaan ah ayaa lagu abaal-mariyay daacadnimadiisa kadib dib-ugu celinta lacag gaaraysa 2,345$–oo uu ka qaaday Masjidka Xaramka ee Makka—ninkii lahaa oo ah Xaaji ka yimid Afghanistan. “ Suleymaan Bello wuxuu doortay inuu Alle ka cabsado—isaga oo og inay sugayso Maalinta Qiyaamo,” ayuu yiri Abdullahi Mohammed, oo ah guddoomiyaha NAHCON. “Wuxuu doortay inuu danjire Neyjeeriyaan ...
Read More »Gabdhaha Rohinga oo guur qasab ah lagu wado
Muqdisho (Himilonews) – Kasoo baxsiga qalalaasaha iyo cadaadiska ka jira gudaha dalkooda, Kumaakun oo haween Rohinga Muslimiin ah ayaa guur sandulle ah ku wajahaya dalalka Thailand iyo Malaysia kadib hayaan dheer oo kaga soo tallaabeen safar doonni. “Waxaa lay ogolaaday inaan reerkayga wacdo; waxayna igu yiraaheen haddii aan yeelayso qoyska oo dhan ayay dan ugu jirtaa,” Shahida Yunus, oo ah ...
Read More »Wuxuu igu qasbay inuu walaalkiis ii galmoodo!!
Hindiya (Himilonews) – Rukhsana waxaa indhaheeda kasoo qubta ilmo markasta oo ay dib-u-gocato habeenkii seygeeda uu ku qasbay inay la jiifsato—si uu ugu galmoodo—walaalkiis isaga ka weyn. Ka fala-qeynta Jiinbaar dusheed ee xaafadda Ramnagar oo ku taalla gobolka West Bengel ee bariga Hindiya, gabadha ah 18-jir qayirantay—waxay hugan tahay Sari—iyada oo u muuqata qof da’deeda ka fil-weyn. Rukhsana waa mid ...
Read More »Muslim loo dilay cunista hilib Lo’aad
New Delhi (Himilonews) – 50-jir Muslim ah ayaa lagu dhangadeeyey ku-tiri-ku-teen tibaaxaysay inuu cunay hilibka Lo’da oo laga manmuucay—sababo caqiido awgeed—gudaha dalka Hinduuga u badan ee Hindiya ilaa uu ka dhinto. “Mohamed Akhlaq waxaa lagala soo baxay gurigiisa oo ku yaalla duleedka New Delhi waxaana soo weeraray dad gaaraya boqollaal habeenkii Isniinta,” sarkaal bileyska ka tirsan ayaa u sheegay AFP. ...
Read More »Tira-koob: Dalalka ay kasoo jeedaan dhimaalladii Xajka
Muqdisho – Iyada oo ay wali isasoo tarayso tirada dhimashada marba marka kasii danbeysa, warbixinnada warfidiyeenka ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 1,100 qofood ay ku dhinteen burburkii Xajka oo ahaa kii ugu darnaa abid ee dhacdo-sanadeedka Xajka ka dhaca muddo rubuc qarni ku dhow. Tiradaan cusub waxaa ku dhawaaqay dalalka Bakistaan iyo Hindiya kuwaas oo sheegay in dowladda Sucuudiga ay ...
Read More »Muslimiinta Afrikada Dhexe oo waayo adag ku sugan
Geneva (Himilonews) – Iyada oo mar kale fadqalalooyin ay kasoo cusboonaadeen Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee CAR, QM ayaa canbaareysay qalqalka ku dhacay caasimadda dagaalladu halakeeyeen ee Bangui—iyada oo ka digtay in qalalaasuhu uu caqabad ku noqon doono qorshaha geeddi-socod ee dib-u-dajinta barakacayaashii qaxay goor hore oo sanadkan bilowgiisa ah. “Xeer hoosaadka caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha, waxaan dhamaan ugu baaqayaa ...
Read More »Shiinaha oo diiday la bixista magacyo Islaam
HOTAN (Himilonews) – Maamulka Shuyuuciyadda Shiinaha ayaa gebi ahaanba u diiday Muslimiinta ku nool gobolka dhaca waqooyi-galbeed ee dalkaasi la bixista magacyada Islaamiga ah. “Magaca gabadhayda waa Muslimah, marka waxaa guriga noogu yimid bileyska kuwaas oo nagu amray inaan magaca ka badalno gabadhayda sida ugu dhaqsiyaha badan,” haweeney Uighur ah oo Turakhan lagu magacaabo ayaa u sheegtay Radio Free Asia. ...
Read More »Obama oo Aqalka-Cad ku casuumay arday Muslim ah
Washington, USA (Himilonews) – Kahor-tagista naceybka ka dhanka ah Islaamka, kumaakun oo dunida dacalladeeda saaran ayaa barta kulanka bulshada waxay ku dhigeen ereyo ay ku difaacayaan xaqa 9-jirka arday Muslim ah kaas oo loo xiray kadib kolkii uu dugsiga u qaaday hal-abuur-saacadeed guri-ku-sameys ah. “Hal-abuur dhab ah, Axmed. Waxaan rabaa in halkan Aqalka-Cad aad kusoo ban-dhigto hal-curintaada. Waxaynu caadka soo ...
Read More »