crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ma Hungowdo Daacadi: Xaaji Neyjeeriyan ah oo Alle guuleeyey | HimiloNetwork

Ma Hungowdo Daacadi: Xaaji Neyjeeriyan ah oo Alle guuleeyey

Makka, Saudi Arabia (HIMILONEWS) – Xaaji Neyjeeriyaan ah ayaa lagu abaal-mariyay daacadnimadiisa kadib dib-ugu celinta lacag gaaraysa 2,345$–oo uu ka qaaday Masjidka Xaramka ee Makka—ninkii lahaa oo ah Xaaji ka yimid Afghanistan.
“ Suleymaan Bello wuxuu doortay inuu Alle ka cabsado—isaga oo og inay sugayso Maalinta Qiyaamo,” ayuu yiri Abdullahi Mohammed, oo ah guddoomiyaha NAHCON.
“Wuxuu doortay inuu danjire Neyjeeriyaan ah oo fiican noqdo. Wuxuu lacagta u geeyey waaxda qaabilsan xujeyda Neyjeeriya; anaga ayayna nagu soo wareejiyeen si aan ninkii lahaa ugu wareejinno. Tani waxay muujinaysaa in Neyjeeriyaanku ay yihiin xalaal-miirato iyo Alle-ka-cabsato,” ayuu sii raaciyay.
Xaajiga Neyjeeriga ah, Suleymaan Bello, wuxuu sanadkan Xajka kasoo aaday gobolka Nasarawat ee bartamaha Neyjeeriya.
Ka helista hareeraha Kacbada boorso yar oo xiran, Bello wuxuu aaday xafiiska ay Sucuudiga ku leeyihiin guddiga Xujeyda Neyjeeriya si uu u war-geliyo.
Boorsada ayaa sida lasoo weriyay waxaa ku jirtay 2,345$ oo u dhiganta SR303 ama 3,020 oo ah lacagta dalka Afghanistan.   
Bello wuxuu sheegay inuu lacagta ku simay gacanta isku-xiraha waaxda Xujeyda Neyjeeriya, Hamza Naib, kaas oo si fudud ku helay heyb-raaca lahaansho ee boorsada.
Ninka ay lacagta ka luntay ee lahaa boorsada, Mosa Gousdin, ayaa ka mahad-naqay falka lama-helaanka ah ee uu Bello ugu soo celiyay baadidiisa.
Isaga oo u hadlaya ergada Afghanistan, Sayid Tahir Hashimi, oo ah sarkaal ka socda wasaaradda caalamiga ee Xajka, wuxuu sheegay inaysan jirin ereyo ku filan oo ay ku muujiyaan abaalka ay ka bixinayaan falka suuban ee Bello dhamaan Qaranka reer Afghanistan.
U aqoonsiga Bello sida tusaale-cusub oo Muslimiinta ku jira, guddiga Xujeyda Neyjeeriya ee NAHCON ayaa sidoo kale ku abaal-mariyay Bello daacadnimadiisa darteed inuu tigit lacag la’aan uu kusoo aadi karo Xajka sanadka soo socda.
Bello ma ahan Muslimkii koobaad ee fal daacadnimo ah kusoo if-baxa.
Novembertii hore, Muslim ku nool San Jose ayaa bileyska ku celiyay boorso ay ku jirtay lacag dhan US$100,000 kadib kolkii uu ka helay miis kamid ah miisaska maqaayadiisa.
Dhawaantan ayay sidoo kale ahayd markii darawal Bakistaani ah lagu abaal-mariyay daacadnimadiisa kadib markii uu dib-u-celiyay DH50,000 taas oo uu ka helay xarun ATM oo ku taalla Dubai.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal”
Nagala soo xiriir; Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!