AMISOM oo kala garan la’ Gumaad iyo Gaar-heys
Posted by: Zakariya
in Wararka
October 3, 2015
472 Views
Muqdisho – Hooyo Naado Maxamed Ciyow waxaan marnaba qalbigeeda ka tirmi doonin mahadhadii xanuunka badneyd ee ay ku weysay inankeeda. Waxay mar kasta xusuusan tahay xilligii ugu danbeeyey ee uu inankeeda iridda ka baxay kahor intaan loo soo sheegin maqalka geeridiisa.
Samirka iyo Alle kaashigu waa waxa kaliya ee qalbigeeda ku haray. Taas oo sida ay sheegtay bogsimaad u ah mahadhadii gaartay.
Hayeeshe, Naado waxay wali tabaysaa inaan wax u dhigma laga bixin dhimashada wiilkeedii 14-jirka ahaa oo Maxamed Bashiir lagu magacaabi jiray–kaas oo ay toogasho ku dileen ciidamada AMISOM ee jooga garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Istaadiyam.
“Dilka inankayga waxba lagama soo qaadin,” ayay ku tiri cod xabeebsan. “Waa in cadaallada la hor keeno dilaaga wiilkayga si loo eedsiiyo danbigii uu galay.”
Af-hayeenka AMISOM ayaa sheegay inay wali jiraan baaritaanno socda oo lagu ogaanayo sababaha kalifay dhimashada Maxamed oo isaga oo kubbad dhanka ciidanka AMISOM kaga soo dhacday soo doontay toogasho lagu dilay.
Maxamed Bashiir ma ahan dhibanaha kaliya ee ku baxay gacmaha ciidamada shisheeye ee AMISOM.
Waxaa jira kiisas badan oo rayid ku lug leh oo ciidamada AMISOM ay ku xasuuqeen bulshada Soomaaliyeed. Taniyo markii ay AMISOM soo gashay Soomaaliya, dhacdooyinka la xiriira xasuuqqa rayidka, waxay noqdeen kiisas aan loo daba-galin ciqaabahooda. Waxa ugu yar ee ay marar ku dhaqaaqaan ayaa ah mag-dhow ay ka bixiyaan falalka gumaadnimo ee ay ka geystaan Soomaaliya.
Dhawaan ayay aheyd markii AMISOM ay xasuuq wadareed u geysatay dad rayid ah oo ku noolaa magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Si kastaba, rayid badan oo Maxamed Ciyow lamid ah waxay ku bixi doonaan gacmaha ciidamada AMISOM inta aanay jirin la xisaabtan iyo eedsiis adag oo lagu xadido falalka gumaadnimo ee ka baxsan xeerka caalamiga ah ee nabad ilaalinta.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com.
Related
2015-10-03
You must log in to post a comment.