crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Afrikada Dhexe oo waayo adag ku sugan | HimiloNetwork

Muslimiinta Afrikada Dhexe oo waayo adag ku sugan

Geneva (Himilonews) – Iyada oo mar kale fadqalalooyin ay kasoo cusboonaadeen Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe  ee CAR, QM ayaa canbaareysay qalqalka ku dhacay caasimadda dagaalladu halakeeyeen ee Bangui—iyada oo ka digtay in qalalaasuhu uu caqabad ku noqon doono qorshaha geeddi-socod ee dib-u-dajinta barakacayaashii qaxay goor hore oo sanadkan bilowgiisa ah.
“Xeer hoosaadka caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha, waxaan dhamaan ugu baaqayaa qeybaha kala duwan inay ka hortagaan waxyeellada shacabka ee gudaha CAR si loo hubsado gargaar iyo gurmad in lala gaaro dhibanayaasha, dhaawacyada iyo bukaanada,” isku-xiraha Aadanimada ee QM Marc Vandenberghe ayaa ku yiri warbixin ay soo xigatay Onislam.net.
Baaqa isku-xiraha howlaha Aadanimada ee QM ayaa daba-socda qalalaaso kasoo cusboonaaday Bangui axadii dhawayd, kadib dhimashada gaban Muslim taksiile ah taas oo ka tagtay dilka ugu yaraan 36 qofood iyo dhaawaca boqollaal kale.
Kaalmeynta tira badan oo dhibanayaal ah, guryaha la burburiyay iyo ifafaalaha barakaca ku dhow, Vandenberghe wuxuu ka digay xasil la’aanta taagan inay dib-u-dhac ku keeni doonto qorshaha dib-u-soo celinta qaxootigii ku barakacay gudaha dalka oo ay wadeen kooxda Aadanimada ka shaqeeya ee dowladda kaashanaya.
“Waxaan jeclahay inaan u muujiyo tiiraanyadayda dhabta qoysaska dhibanayaasha oo aan u rajeeyo bogsimaad walaallada dhaawacan,” ayuu yiri Vandenberghe.
QM ayaa sheegtay in dad gaaraya 2.7 malyuun, oo ah in-ka-badan nuska dadweynaha, ay wali u baahan yihiin gargaar—halka 1.5 malyuun oo kale ay iyaguna cunno-xumi wajahayaan.
Jeer iyo haddana, Dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn waxay kol hore ku qeexeen Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe dal ku sugan xaalad la tacaalis ah oo gurmad caafimaad oo degdeg ah u baahan.
-Xasil la’aan-
Iyada oo xasilooni darridu ay gashay maalintii labaa, xubno kamid ah maleeshiyo Kirishtaan ah oo la yiraahdo Anti-Balaka ayaa weeraray xarunta dhexe ee bileyska axadii dhawayd, marka loo eego wasiirka amniga ee Jamhuuriyadda CAR.
Maleeshiyada ayaa weerartay bileyska si ay hub uga furtaan; waxayse iska caabin kala kulmeen waaxyada bileyska. Kahor intii aysan weerarin xarumaha bileyska, maleeshiyadu waxay xireen waddooyinka iyaga oo ku xoomayey cod tororogsi ah oo aan milgadiisa la fahmi karin.
Muslimiinta CAR ayaa ku wajahayay dhimasho gacmaha maleeshiyada Kirishtaanka ah ee Anti-Balaka taniyo 2013 iyo bilowgii 2014. Marka loo eego warbixinta QM, maleeshiyadu waxay ku duuleen guryaha Muslimiinta, dileen caruur iyo haween Muslimiin ah; boob iyo dhacna u geysteen hantida Muslimiinta.
La jirka dilalka, jirdillada, aafeynta iyo xirxirista aan hakad laheyn ee ka jira Jamhuuriyadda dagaaladu halakeeyeen ee CAR, baaritaanno caddeymo wata ayaa muujiyay in kufsi ba’an loo geystay haween Muslimiin ah.
Baqa-cararka jira awgeed, Muslimiin badan ayaa u baxsaday goobaha kale ee Muslimiintu ku badan yihiin sida Yaloke, Carnot iyo Boda si ay kaliya u bad-galaan. Ururka Xuquuqda Aadanaha ee HRW ayaa ka digay in xaalado Aadminimo oo adag ay wajihi doonaan barakacayaasha Muslimiinta ah.
Bishii hore, Amnesty aya shaacisay in—dabaadiga ka haray Muslimiintii qaxday—ay Maleeshiyada Anti-Balaka ku hayaan cadaadis iyo Kirishtaameyn si ay magac Muslim uga cirib-tiraan guud ahaanba dalka la yiraahdo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe CAR.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir; himilonews@gmail.com.
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!