crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Duurjoog – biyo la’aan abaartu keentay awgeed – biyo loogu geynayo duurka si aysan harraad ugu dhiman | HimiloNetwork

Duurjoog – biyo la’aan abaartu keentay awgeed – biyo loogu geynayo duurka si aysan harraad ugu dhiman

Narok (Himilonews) – Aad bay engeg u tahay xarunta Tsavo East National Park ee duurjoogtu ku dhan tahay gudaha Kenya. Badi ugaarta iyo dugaagtuna waxay dalanbaabi la yihiin biya la’aanta jirta waxayna u wirwiraan helidda ilo biyo laga cabo.
Warka xun ayaa ah in roob aan la fileyn inuu hooro ilaa iyo bisha November, hayeeshe warka fiican ayaase ah inay jiraan samafalayaal quuddareynaya inay taangiyo waaweyn biyo ugu soo daabulaan duurjoogta inta roobku ka da’ayo.
Patrick Kilonzo Mwalua, waa hela ururka Tsavo Volunteers oo ah koox jecel duunyada kuwaas oo daryeel u fidiya duurjoogta naf la-caariga ah ee xerada ku nool. Kuwa dhaca ku wada faanta ama iligta Maroodiga waa dhibta ugu weyn ee ay ka cawdaan, hayeeshe maalmahan waxay ka cabsi qabaan in abaartu leydo duurjoog badan.
Abaarta sii daba-dheeraatay ayaa biyaha ka dhigtay mid aan la goyn karin qiimo ahaan – duunyada harradaan ayaana mararka qaar fogaan dheer u gala inay helaan meelo biyo-galeen ah oo ay dhuunta qalalan ku qooyaan kuwaas oo iyaguba engegay.
Yaraanta biyuhu noqdeen awgeed, Maroodiyadu aalaaba way diriraan midba kan kale si uu uga bursado waraabka la helo taas oo midka yar ama taagta liita uu ku sigto inuu oon u geeriyoodo.
Hayeeshe Partick iyo kooxdiisa ayaan taas oggolaaneyn inay dhacdo, waxayna ku jiraan ol’ole ay biyo ugu soo qaadayaan baabuur waaweyn si duurjoogtu u waraabto.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!