crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lakulan: Wadaadka aan hadlin taniyo sanadkii 1990 | HimiloNetwork

Lakulan: Wadaadka aan hadlin taniyo sanadkii 1990

Khartoum (Himilonews) – In ka badan 25 sanadood, wadaadka Suudaaniga ah ee Sheikh Bashir Mohammed Bashir ayaa go’aansaday inuusan in badan sii hadlin waxaana taniyo markaas loogu yeeray wadaadka aamusan.
Bashiir dadka wuxuu kula xiriiraa isaga oo warqad ku qoraya waxa u rabo inuu yiraahdo. Wuxuu ka qeyb-galaa shirarka; kana soo muuqdaa waraysiyada  fogaan-aragyada dalka Suudaan isaga oo kaliya adeegsanaya qalin iyo warqad uu kaga jawaabo su’aasha afka laga weydiiyo.
Ka qalin-jabinta Jaamacadda Sorbonne, Shiikh Bashiir, kaas oo dhashay sanadkii 1956-dii, waa caalim ay ku taxan yihiin raadato badan iyo dad fikirkiisa Islaamiga ah la dhacsan.
Kadib kasoo laabashadiisa Faransiiska markii uu kasoo qaatay marqaatiga labaad ee culuumta dhaqaalaha iyo sayniska, wuxuu diiradda saaray cilmi-baarista iyo barashada diinta Islaamka.
Sanadkii 1990, wuxuu joojiyay hadalka isaga oo sheegay inuu dib u hadli doono markuu Eebe u qadaro inuu tiraabo.
Bashiir ayaa sharraxay falsafadda aamusnaanta isaga oo qoraal ku sheegay in bilowga aamusnaanta ay tahay dhamaadka hadalka, hayeeshe wuxuu waaya’aragnimadan ku sifeeyey sir dahsoon oo ka dhaxeysa isaga oo Rabbigiisa.
Mar lagu guda-jiray wareysi uu fogaan-arag la yeeshay, Bashiir ayaa qoray in taniyo markii uu qaatay go’aanka aamusnaanta uusan dareemin wax qoomamo ah – waayo qoraalku waa natiijada hadalka.
“Qalinkaygu wuxuu kaliya qoraa wax farxad geliya dubaaqa saaxiibadayda. Waxaan aamusnaanta ku helay daganaan iyo xasillooni ruuxi ah,” ayuu sii raaciyay.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!