al-Azhar oo ISIS ku tilmaamay gabbal sii dhacaya

Qahira (Himilonews) – Ka fal-celinta muuqaal ay ISIS ku baahisay qaraxii ay ka geysteen bishii December sanadkii hore gudaha Kaniisad ku dhextaal magaalada Qaahira, al-Azhar ayaa tilmaamay in – in kasta oo kooxdu buunbuubinayso aragtideeda iyo howlahaeeda – ay dhabtii ku sugan tahay xaalad naf-la-caari ah.
“ISIS waa gabbal kusii dumaya is-jiiriddooda danbe waxaana soo dhawaatay gabagabadooda,” ayuu ku yiri caalimka ugu weyn culimada Muslimiinta adduunka war-qoraal ah oo uu soo saaray.
“Way iska cadahay in kooxdani dooneyso in dabaadiga ka dhiman haraadigeeda ay buunbuunineyso. Waad og tihiin inay lumisay gacan-ku-heynta meelo badan oo caalamul-Islaam kamid ah sida Iraaq, Libya iyo Siiriya,” ayuu sii raaciyay.
“ISIS waxay isku dayaysaa inay farriin marin habaabin ah oo ay ku sheeganeyso inay wali awood leeyihiin u dirto dunida si ay usoo jiidato dhalinyaro badan oo Muslimiin ah.”
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!