crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Iiran oo diiday eedeymo ku saabsan Shiiceyn ay Soomaaliya kawado | HimiloNetwork

Iiran oo diiday eedeymo ku saabsan Shiiceyn ay Soomaaliya kawado

Muqdisho (Himilonews) – Xukuumadda Iran ayaa iska diiday eedeymaha ku saabsan inay Soomaaliya ku faafiso mad-habta Shiiciga.
Tani ayaa timid toddobaad kahor markii dowladda Soomaaliya ay xirtay laba muwaadin oo Irani ah oo ay kusoo oogtay inay dadka gudaha Muqdisho ku dhex faafinayeen mad-habta Shiicada.
Hussein Jabir Al-ansari, oo ah af-hayeenka dowladda Iran ayaa gaashaanka u daruuray eedeymaha -isaga oo weydiistay dowladda Soomaaliya inay caddeymo ula timaado wax uu ku sheegay tibaax aan tiigsi laheyn.
Isaga oo warfidiyeennada kula hadlayey gudaha dalka Iran, Al-ansari wuxuu tilmaamay in is-faham darro lagu xiray labada muwaadin ee Iran u dhashay–isaga oo ku baaqay in degdeg loo sii daayo.
Marka loo eego xukuumadda Soomaaliya, labadan muwaadin ayaa waday faafinta mad-habta Shiicada-iyaga oo ku dhex faafinayey hoteellada qaar ee Muqdisho–qaab sida ay tilmaameen loo shaadiray shirar iyo wada-hadal diimeed.
Soomaaliya oo ah dal Muslim Sunni ah, lagama yaabo tira-yar oo Shiica ah in lagu arko.
Waaxda Sirdoonka Qaranka ayaa saxaafadda kahor sheegay in labadan muwaadin ay howshii loo igmaday – ka sama-fal ahaan- ay ka weecdeen. Taas rogaalkeedana ay bilaabeen faafinta fikirka Shiicada.
Kol hore ayey aheyd markii guur-wadareed ay soo qaban-qaabisay safaaradda Iiran ee Soomaaliya la iskugu guuriyey tiro badan oo dhalin-yaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo badigood laga keenay xeryaha barakacayaasha.
Si kastaba, tani waxay caqabad ku noqon doontaa xiriirka labada dal ee Iran iyo Soomaaliya.
Halka baaqa bulshada guud ahaan ay tahay in dowladdu ka fiirsato xiriirka ay la yeelanayso Iran.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!