Gurigii koobaad ee Geed Caanood lagu beero iyo sida uu uga sii faafay

Muqdisho (Himilonews) – Halka ilinka hore ee guri kasta laga heli karo geed ku hor tallaalan, oo—sida dad badani ku magacaabeen ah Geed Caanood, wuxuu door muhiim ah ku yeeshay kaalinta dhir-beeris ee deegaanka gaar ahaan magaalada madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Tan iyo sanadkii 1980-kii, geedku wuxuu ahaa mid kamid ah geedaha dhawaan-dhaladka ah ee kusoo kordhay jidadka Muqdisho. Bidhaantiisu, hayeeshe, waxay si joogto ah u bilaabatay kadib buburkii dalka.
Caanood–oo marka caleemihiisa la dhiijiyo dareere cad soo dhecaama darteed magacaas ku qaatay, lamid ma ahan geedaha kale ee ku yimid gacan dowladeed. Sheekadiisa waxaa dib loogu celin karaa shaqsi si gaar ah ugala yimid dibadda.
-Gurigii ugu horreeyey ee lagu beero-
Sanadka 1974-tii, dr. Cumar Maxamuud Maxamed Fiidsade, oo ahaa aqoon-yahan wax kusoo bartay dibadda ayaa la tilmaamaa inuu dalka keenay geed Caanood. “Wuxuu ogaantay ku noolaa dalka Talyaaniga. Wayna dhacdaa inuu halkaas kala yimid,” ayuu yiri Muxsin Khalif oo Jaangow ku magac dheer. Hayeeshe, Jaangow wuxuu mala-awaalayaa inay dhici karto inuu sidoo kale kala yimid dalka Fiitnaam.
Caanood oo aan u baahneyn iniin loo beero suu usoo baxo, wuxuu caan ku yahay jiriddiisa in dhulka lagu taago. Wax-yar kadibna wuxuu kusoo if-baxaa inuu fiidda sare caleemo ku yeesho. Sidaas darteed, Maama Seynab, oo deris la ah guriga Fiitsade, waxay kamid aheyd dadkii ugu horreeyey ee jiridda Caanood dhulka ku mutay—kadibna hoos iyo harsiino ka helay.
“Waxaan kasoo jaray isla-geedka uu dr. Fiitsade gurigiisa ku beertay markay taariikhdu aheyd sanadkii 1995-kii,”ayay tiri Mama Seynab oo intaas ku sii dartay, “Wuxuu taniyo markaas kaalin fiican ku yeeshay nolol-maalmeedkeenna.”
Doorashada beeris ee geedkan kahor, Mama Seynab gurigeeda waxaa ugu hor yiillay geedka Mooganaha. Balse markii ay aragtay Caanood, waxay tilmaantay inay la dhacday muuqaal cagaaranka iyo caleemaha quruxda badan ee aan sida Mooganaha iyo Tallaalka dhulka kusoo daadaneyn—kuwaas oo in galin kasta xaaqin lala daba-socdo sababaya.
Hayeeshe, waxaa kale oo ay wax yar kaddib ku aragtay inuu faa’iido kale nolosheeda kusoo kordhiyey. Waxay tiri: “Markii aan bilaabay inaan edeg-yar ku meegaarto gurigayga si aan afar neef ugu dhaqdo, waxaan ogaaday in caleemaha geedka Caanood ay xooluhu jecel-yihiin,”
“Tani waxaa kale oo ay igu caawisay in xilliyada qaar—gaar ahaan kolka caws la’aani dhacdo, aan caleemihiisa usoo gooyo xoolaha say u cunaan.”
Taasna way u fududaatay. Hadda jeer laga joogo muddo ka badan 15-sano, Mama Seynab waxay si dhib yar nafteeda iyo kuwo xoolaheedaba ku kaafisaa calafka iyo haraca qabow ee geed Caanood.
Mama Seynab waxay sheegtay inaysan waligeed arag geed uga fiican geedihii ay tallaalan jirtay. Balse waxay si adag u tilmaamaysaa inaanay marnaba isku koobin faa’iidadiida. Taas oo ka dhigan in qof kasta oo u yimaada uu jirid ka jarto—deedna sii beerto.
“Waxay tiri: “Kol dhaweyd masjidka Mubaarak waxaan geyney laba geed halkaas oo seygeyga uu ku tallaalay. Alxamdullilah, labadooduba way soo baxeen.”
In geed la beero waa sama-fal u dhigma sadaqatul-jaariyah. Waana mid—kadib muddo badan oo aan lagu baraarugin muhiimadda geed-beerista, hadda loo guntaday in lagu badbaadiyo dal deegeenkiisu—uu qaadayo dhabihii uu ku tagi lahaa lama-degaanimada.
Hayeeshe, in-kasta oo hanbadu haan maran ka roon tahay, hadana, geedkan, waxaa lagu tilmaamayaa inuu sal u yahay dib u tarminta deegaanka maadaama uu halhaleel kusoo baxo kolka  jiridda loo taago.
Iyada oo sii hadleysa Mama Seynab waxay tilmaantay in—baahida isasoo taraysa ee Geed Caanood dartiis ay xittaa u yimaadeen dadka gobollada kale ka socda kuwaas oo daneynaya inay dhulkooda ku tallaashaan.
Balse jiraalka xittaa baahidaas isasoo taraysa, howsha tallaalistu waa mid ka dhigan qori qol mugdi ah lagu tuuray.
Mama Faay Xaaji, oo kadib laba jeer oo ay ku hungowday inuu u noolaado jiridda ay beeratay, waxaa hadda u baxaya kii saddexaad. Waxaase kasii nasiib-daran deriskeeda oo lagu magacaabo Ceyni taas oo saddex jeer oo ay beeratay geed Caanood marna aan ku guuleysan. Halka Mama Ruqiya oo mar qura laba jirid oo geed Caanood ah dhulka ku mudatay ay labadooduba cagaariyeen. Waxayna si naawilan subax kasta u waraabisaa labadooda.
Dadka beera geedaha waxay qabaan in faham-yarida jirta awgeed ay sabab u tahay engega jiridda la beero. Taas oo dad badan dadaalkooda mindi-raacisa.
Guduudow oo markiisii hore ka xoogsan jiray suuqyada, wuxuu hadda ka shaqeystaa beerista geedaha sida Caanood.
“Dhibaatada jirta waa inaan la aqoon nooca jirid ee la goynayo iyo meesha lagu tallaalayo,” ayuu yiri Guduudow oo xittaa meelo badan oo ka baxsan caasimadda Muqdisho sida gobolka Shabeellada Hoose ku tallaalay geed Caanoodka. “Aqoon-yaridan waxay sababtay in dad badan ay ku hungoobaan helidda geed mar qura usoo baxa.”
Guduudow wuxuu sheegay inay jiraan habab fudud oo lagu xusho jiridda ugu habboon beerista iyo dhulka lagu mudayo oo uu yiri waa inuu noqdaa mid siman oo caradiisu jilcan tahay. Tani waxay ka dhigan tahay in meelaha lakabyada leh aanay ku suura-galeyn inuu kasoo baxo.
Halka Mama Seynab iyo kuwo lamid ah ay hadafyo kala duwan oo isku mida u beeranayaan geed Caanood, dad badan, sida Saacid Abdulle Omar, waxay cunista caleemahiisa ku sheegaan caafimaad.

20151227_163404

Isaga oo harqaan ku hoos tola geedka Caanood, Saacid subax kasta wuxuu laan-yar oo dhowr caleemood saaran yihiin ku cabaa shaah iyo wixii lamid ah.
“Waxaan ku arkay caafimaad markii aan bilaabay cunistiisa. Wuxuuna u roon yahay gaaska, calool-majiirka iyo kuwo kale,” ayuu yiri isaga oo tilmaamay inuu tijaaabadii koobaadba la qabsaday cunistiisa.
Balse ilaa hadda majirto wax ka baxsan aragtida Saacid oo xoojinaya faa’iidada cunis ee caleemaha geed Caanood.
Si kastaba, mar kasta oo uu sii faafo geed Caanood, hal mid ayaa ku hareysa dheef Aaqiro—taas oo ah sama-fal iilka ugu tagaya qofkii ugu horreeyey ee umadda u horseeday. Kaas oo ah dr. Cumar Maxamud Fiidsade. Halka qof kasta oo, sida dr. Fiitsade, bulshada usii faafiyana uu geeridiisa dabadeed iilka ku guran doono abaalka uu ifka ku ergeysto.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!