Muslim loo dilay cunista hilib Lo’aad
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
September 30, 2015
616 Views
New Delhi (Himilonews) – 50-jir Muslim ah ayaa lagu dhangadeeyey ku-tiri-ku-teen tibaaxaysay inuu cunay hilibka Lo’da oo laga manmuucay—sababo caqiido awgeed—gudaha dalka Hinduuga u badan ee Hindiya ilaa uu ka dhinto.
“Mohamed Akhlaq waxaa lagala soo baxay gurigiisa oo ku yaalla duleedka New Delhi waxaana soo weeraray dad gaaraya boqollaal habeenkii Isniinta,” sarkaal bileyska ka tirsan ayaa u sheegay AFP.
Markii ciidamadeennu gaareen goobta, ciriiri ayaa ka jiray banaanka hore ee gurigiisa. Bileyska ayaa maareeyey inay soo badbaadiyaan oo ay u qaadaan isbitaalka, hayeeshe, waqtigiisii ayaa go’ay,” ayuu yiri Kiran S. oo ah sarkaal sare bileyska ka tirsan.
Bileyska Hindiya waxay sheegeen inay soo xireen lix qofood oo ay ciidamo dheeraad ah u direen si ay baaritaan ugu sameeyaan dhacdadaas.
Akhlaq wiilkiisa oo 22-jir ah ayaa sidoo kale si xun loogu dhaawacay weerarka, waxaana lagu dabiibayaa isbitaal ku dhow hareeraha xaafadooda.
Cunista Lo’da ayaa laga mamnuucay qeybo badan oo kamid ah dalka Hinduuga u badan ee Hindiya kaas oo sidoo kale leh tira mug leh oo Muslimiin ah iyo tira yar oo Kirishtaan iyo Buudis ah.
Mamnuucistan ayaa loo arkay cadaadis ay daba-ka-riixayso xukuumadda uu hoggaamiyo asal-raaca Hinduuga mayalka adag ee Ra’iisul wasaare Narendra Modi.
Tibaaxda ah in qoys Akhlaq ay cuneen hilib Lo’aad ayaa timid kadib kolkii Weyl lagu waayay xaafadda Dadri oo 22 mile caasimadda u jirta.
“Tuhun ah in qoysku ay cuneen oon cad Lo’aad ayaa lagu sheegay macbadka Hinduuga taas oo sababtay in lasoo weeraro guriga Akhlaq,” ayuu yiri Kiran.
Jariiradda Indian Express ayaa soo xigatay gabadha Maxamed Akhlaq oo sheegaysa in firinjiyeerka uu ku keydsadanaa hilib Idaad oo uusan ahayn mid Lo’aad.
“Waxay nagu eedeeyeen inaan guriga ku haysanay hilib Lo’aad, iyaga oo nagu soo jebiyay albaabada. Waxayna bilaabeen inay garaacaan aabahay iyo walaalkay,” ayay u sheegtay Daily.
Isha: Himilonews.com.
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Related
2015-09-30
You must log in to post a comment.