crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 58

Dunida Muslimka

Cilmi-baaris: Islaamku waa diinta ugu faafista badan dunida

Muqdisho (Himilonews) – Islaamku waa diinta ugu faafista badan, hey’adda fadhigeedu Maraykanka ee Pew Research Center ayaa sidaas tiri. Marka loo eego Pew, Islaamku waa diinta labaad ee ugu weyn caalamka kadib Masiixiyadda. Tirada Muslimiinta sanadkii 2011 ayay ku sheegtay 1.6 bilyan oo ka dhigan 23% tirada caalamka. Islaamka waxaa la filayaa inuu helo Muslimiin badan oo tiradii kor u qaada ...

Read More »

Siyaasi Hungary: “Islaamku waa rajada maanta u taagan bani’aadnimada.”

Budapest, Hungry (Himilonews) – Inta lagu guda-jiray doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Hungry, dhaq-dhaqaaqa Jobbik wuxuu tirada codadka la dhiibtay ka helay 16.67% taas oo ka dhigan in xisbigu uu 47 kursi ku yeelanayo awoodda siyaasadeed ee dalka. Wax-yar kadibna, madaxa Jobbik wuxuu booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay dhowr jaamacadood ee ku yaalla gudaha dalka Turkiga. “Uma imaanayno ...

Read More »

Dhaqaatiir Muslimiin ah oo daweyn lacag la’aan siiya dadka liita ee California

California (Himilonews) – 18 sano kahor kadib markii ay albaabada u fureen, dhaqaatiir Muslimiin ah waxay wali kusii socdaan inay daweyn lacag la’aan ku siiyaan xaruntooda Alshifa Clinic dadka u yimaada – u eegis la’aan diintooda ama isirkooda. “Diinteennu waxay inoo sheegtaa inaan bani aadnimada u istaagno,” Dr. Talat Khan ayaa u sheegay KABC. “Dadka halkan nagula noolna, waxay isugu jiraan Hispanic iyo ...

Read More »

Kufsiga iyo arxan-darrada ay ku nool yihiin gabdhaha Muslimiinta Rohingya.

Myanmar (Himilonews) – Ku filan af-gobaadsi. Dunidu waxay u dabaal-dageysaa Maalinta Caalamiga ee Haweenka Adduunka tiiyoo sheekooyinka kufsiga, jirdillada ka dhanka ah gabdhaha Muslimiinta Rohingya laga arki karo meel kasta oo ay gabaad u raadsadeen. Kusii darista cadaadiska aan dhamaadka laheyn ee ay ku hayaan dalka leh aqlabiyadda Buudis-ka, haweenka Muslimiinta Rohingya waxaa kufsi ba’an ku haya xoogagga ammaanka ee ...

Read More »

800 Qoysas Muslimiin Hindi ah oo dib u celinaya Meherka

PATNA (Himilonews) – Gudaha kacaan bulsho oo ka dhan ah caadooyinka ku raagay, in ka badan 800 qoysas Muslimiin ah oo ku nool gobalka bariga Hindiya dhaca ee Jharkhand ayaa lacagta meherka kusoo celiyay qoysaska gabdhaha ay guursadeen taas oo daba-socta ol’ole ka dhan ah dhaqankan. “Guulaha ol’olaheennu sameynayo waa cajiib. Xaafad ka xaafad ayay dadku noogu soo biirayaan; waxayna saf ugu ...

Read More »

Gabar indhool Muslimad Hindi ah oo Qur’anka ku qortay farta indhoolayaasha

Delhi (Himilonews) – Gabar damane ah ama indhool ah oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa soo gabagabeysay ku qorista Qur’anka qoraalka ay gaarka ku yihiin dadka damanayaasha ah – dadaal ay ku caawinayso kuwa iyaga lamidka ah ee naawilaya barashada diinta. Caqabadda cadaadiska ku keentay Nafees Tareen oo ah ardayad ku jirtay Bokaro school ay go’aansatay inay aqrisato Qur’anka kariimka ah. Hadana midkood ...

Read More »

al-Azhar oo ISIS ku tilmaamay gabbal sii dhacaya

Qahira (Himilonews) – Ka fal-celinta muuqaal ay ISIS ku baahisay qaraxii ay ka geysteen bishii December sanadkii hore gudaha Kaniisad ku dhextaal magaalada Qaahira, al-Azhar ayaa tilmaamay in – in kasta oo kooxdu buunbuubinayso aragtideeda iyo howlahaeeda – ay dhabtii ku sugan tahay xaalad naf-la-caari ah. “ISIS waa gabbal kusii dumaya is-jiiriddooda danbe waxaana soo dhawaatay gabagabadooda,” ayuu ku yiri ...

Read More »

Muslimiinta US oo sida Islaamka loo arko dood kula galaya dadyowga la nool

New York (Himilonews) – Ku jiritaanka xilliga adag, Muslimiinta ku nool degmada Buffalo ee New York ayaa wada-hadal iyo dood ku aadan Islaamka iyo aragtida laga qabo la sameynaya dadka la degan – dadaal lagu doonayo in lagu naqdiyo aragtida siyaasadeed ee Donald Trump ka qabo Muslimiinta. Tani waxay imaanaysaa markii madaxweyne Trump uu 7 dal oo Muslimiin ah ka mamnuucay ...

Read More »

Yusuf Islam oo Erdogan kaga mahad-naqay dhismaha Masjidka Cambridge

Istanbul (Himilonews) – Muusigistaha Britain, Yusuf Islam oo markiisii hore loo yiqiin Cat Stevens ayaa la kulmay madaxweyne Erdogan isaga oo kaga mahad-naqay taageerada dalkiisu ka geystay dhismaha masjidka laga dhisayo magaalada jaamacadeed ee Britain oo lagu magacaabo  Cambridge. Islam, oo 68-jir ah, ayaa duubay albunno badan intii u dhaxeysay 60-70 meeyadii, Wuxuuna Islaamka qaatay sanadkii 1977. “Cambridge waa maskaxda bulshada ...

Read More »

Turkiga: Magaalo dhan oo caafimaadka ka shaqaynaysa!

Ankara (Himilonews) – Bal aan soo qaato Turkiya iyo waxa ka dhex socda goosgooskan aan idin kula wadaagayo in caalamka Islaamku mar labaad lawareegi doono horumarinta dunida. Waxa aan maqli jirnay cisbitaal ayaa la furay hayeeshe ma maqashay Magaalo dhan oo cisbitaal ah ayaa la furaya? Gobolka Maarisiin ee koonfurta Turkiya waxa dhawaan laga furay Magaalo dhan oo loogu adeegi ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!