crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Yusuf Islam oo Erdogan kaga mahad-naqay dhismaha Masjidka Cambridge | HimiloNetwork

Yusuf Islam oo Erdogan kaga mahad-naqay dhismaha Masjidka Cambridge

Istanbul (Himilonews) – Muusigistaha Britain, Yusuf Islam oo markiisii hore loo yiqiin Cat Stevens ayaa la kulmay madaxweyne Erdogan isaga oo kaga mahad-naqay taageerada dalkiisu ka geystay dhismaha masjidka laga dhisayo magaalada jaamacadeed ee Britain oo lagu magacaabo  Cambridge.
Islam, oo 68-jir ah, ayaa duubay albunno badan intii u dhaxeysay 60-70 meeyadii, Wuxuuna Islaamka qaatay sanadkii 1977.
“Cambridge waa maskaxda bulshada England. Waana sabab muhiim ah inaan helno masjid ku yaalla halkan si aan dhaqanka Islaamku uga dhex muujinno bulshada,” Yusuf ayaa u sheegay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu news agency.
“Waa wax weyn inaan kaalmadan oo kale ka helno dowladda iyo dadka Turkiga,” ayuu sii raaciyay Islaam kadib kulanka uu la qaatay Erdogan.
Masjidka Jaamaca Abu Bakar oo ku yaalla Cambridge ayaa qaadi doona dad ka badan 1000 qof, waxaana la filayaa inuu furmo sanadka soo socda 2018.
Ururka Adeegga Islaamka ee Diyanet oo hoos tagta dowladda Turkiga ayaa qeyb weyn ka qaadatay dhismaha masjidka ku yaalla bariga England.
Kulanka labada walaal ayaa qaatay ku dhawaad saacad iyo bar iyaga oo kawada hadlay arrimaha ku saabsan dunida Muslimka iyo Islaamka.
Hadal uu soo dhigay bartiisa Twitterka, madaxweyne Erdogan ayaa walaalkiis Yusuf Islam kaga mahad-naqay booqashada uu ugu yimid.
Balse Islam iyo Erdogan ayaa kulmay sanadkii 2013 markii uu ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga.
Bishii hore, Erdogan ayaa sidoo kale la kulmay aktaradda Maraykanka ah ee Lindsay Lohan halkaas oo ay dowladdiisa kaga mahad-naqday taageerada ay la garab taagan tahay qaxootiga kasoo cararay dagaallada.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!