Marka uu seygu afadiisa ka hinaaso!

Gandahar (Himilonews)  – Haweeney ayaa muujisay xanuunka dhaawac ee ay la silicday kadib markii seygeeda uu ka maseyray.
Haweeneydan waxaa labadeeda dhegood ka jaray seygeeda kagadaal markii uu ku eedeeyey inay la haasaawdo nimanka kale.
Zarina oo u dhalatay dalka Afghanistan oo la guursaday iyada oo aad u da’yar ayaa sheegtay in seygeeda uu ka dhuuntay in yar kadib markii uu falkan argagaxa leh ku sameeyey.
Waxay sheegtay in iyada iyo seygeeda ay ku jireen gurigooda oo ku yaalla Balkh markii uu inta soo sara kacay bilaabay inuu wax-yeelo. Wuxuu u xirxiray si adag si aysan iskaga caabin wuxuuna ka jaray labadeeda dhegood.
Zarina waxay sheegtay inaysan warba u heynin sababta uu ninkeeda waxan oo dhan ugu sameeyey maadaama aysan ninba la hadlin.
Zarina ayaa tilmaantay in seygeeda uu kahor joogsan rabay inay booqato waalidiinteed – waayo waxay la noqotay cudur-daar ay ku dooneyso inay kula soo sheekeysato niman kale.
Si kastaba, haweeneydan ayaa ku gacan-seyrtay baaqa seygeeda. Waxayna u tilmaantay in haddii uu kusii adkeysto go’aankiisa ay dalbanayso furriin.
Afhayeen u hadlay isbitaalka oo lagu magacaabo Noor Mohammad Faiz ayaa sheegay in markii Zarina la keenayay isbitaalka Mazar-e-Sharif ay ku sugneyd xaalad halis ah maadaama ay aad u dhiig baxday.
Isha: radiohimilo.so
Zakariya Xasan Hiraal.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!