Nin dhegtiisa ku buufiyay sunta cayayaanka suu u dilo Baranbaro ku dhex jirtay

Beijing (Himilonews) – Kadib isku-day badan uu ku rabay inuu iskaga soo bixiyo Baranbaro ku jirtay gudaha dhegtiisa, ninka reer Shinees ayaa go’aansaday inuu tallaabta ugu danbeysa ka dhigo inuu sun ku buufiyo si uu ugu dhex dilo cayayaanka ku jira.
60-jirkan ayaa u sheegay dhaqaatiirta caafimaadka in Baranbaro ay dhex gashay dhegtiisa bilowga bishan. Wuxuuna tlmaamay inuu dareemayay dhaqdhaqaaqeeda, sidaas darteed wuxuu isku dayay inuu xoog uga soo saaro isaga oo adeegsanaya qaabab badan.
Ugu horreyn wuxuu isku dayay inuu gacmihiisa u adeegsado, kadibna wuxuu adeegsaday istakiin iyo wixii la halmaala – hayeeshe midna ma noqon mira-dhal.
Kagadaal markaas, wuxuu xittaa isku dayay inuu cayayaankan ku cabsi galiyo isaga oo gacmihiisa ku garaacaya madaxiisa, hayeeshe taasina uma shaqeynin.
Saddax maalin kadib, cayayaankan ayaa u muuqday mid kusii dhaadhacaya dhegtiisa, waana markaas kolkii uu qaatay go’aan quus ay ka keentay. Wuxuu soo qaatay sunta lagu dilo cayayaanka isaga oo ku buufiyay dhegtiisa.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!