crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Madaxweyne u muuqo sida laguu maleynayo! | HimiloNetwork

Madaxweyne u muuqo sida laguu maleynayo!

Muqdisho (Himilonews) – Marka aan u fiirsado sida hadda rayn-reynta iyo farxadda loogu soo dhoweeyey guushaada madaxweynenimmo oo aan garab-dhigo sida aad u muuqan doonto marka xamaasadda iyo xiisuhu waayaan Gaawe, Bire,(Bure),  Dhakal, Toobte ama Ameel lagu liso, oo lagu keydiyo, markii ay waxtar u baahdaana loogu jawaabo, waxa ii muuqata in aadan waxqabad ka weyn kana duwan kan madaxdii kaa horeysay aadan keeni doonin.
Haddaba inta aan ogahay aan kuu sheego meesha ay beeshay ee in aad ka gudubtana ay lamid tahay in aad ku jirto imtixaan ay kormeerayaashiisu adduunka oo dhan joogaan.
Nabadgelyada
Dhammaan musharixiintii kugla tartamay xilka madaxweynenimo waxa uu ammaanku u ahaa kaalinta koowaad, haddii aad ogtahay iyo haddii kalana madaxweynaha aad xilka kala wareegi doonto ayaa ku ololeeyey 2012, in uu xasilinayo dalka oo dhan, iyada oo aan filayo in uusan waxba reeban waxa uu keenay meesha ay maanta taagan tahay, wixii loo qabayna waxa lagu illaawi doonaa sidii qurxooneyd ee uu go’aanka u qaatay.
Shacabka kuu bannaan baxaya, oo qaarkood ay carruurtoodii kala lumen farxadda ka dhalatay in aad madaxweyne noqotay  waxa ay doonayaan dhaqan aad kula tacaasho nabadgelyada oo kaduwan kana cad kan ay soo arkeen sanadihii tagey, ma filayo in ay kaa saari doonto halhaysyada qurxoon ee guusheydu waa guusha shacabka, danta dalka iyo dadka iyo xamaasadda muwaadiniita Soomalaiyeed ee qurbaha ku nool ay caanku ku yihiin.
Aragtida maamulka iyo dowladnimada ee qabta in xukuumaduhu ay la keliyoobaan haysashada awoodda sanduleynta, oo macnaheedu yahay in hubku ku jiro gacanta dowladda iyada oo aan muwaadinku ka cabsan muwaadin kale oo la sima, hadda waxa xukuumadda xilkeedu dhammaaday la haystay awooddaas  ururo ay ugu horreyso xarakada Alshabaab, sidaas oo kalana waxa jiri kara dhinacyo kale oo aan muuqaan hayeeshee taagan daaha gadaashiisa.
Haddii ay dadweynaha kuu bannaanbaxay dalka oo dhan waayaan qodobka xasilinta nabadgelyada waxa aad weyn doontaa taageerada iyo niyadda ay maanta hayaan, sidaas awgeed waa in aad ogaato in muwaadiniinta Xamar ku nool uu dareenkoodu isu beddelayo sida qabowga, kulaylka, maalinta iyo habeenku isu beddelayaan.
Waxa lagayaabaa in farxadda iyo bannaan baxyada laguu dhigayaa ay ku geliyaan rayn-rayn iyo isu bogid, balse ogow in aan ujeedku farxaddu yahay su’aalaha imtixaan adag oo ay dadweynuhu diyaarinayan.
Garsoorka
Lama filayo in aad sida uu garsoorku ka yahay waddanka aad dhalashadiisa haysato aad ka dhigto kan Soomalaiyada cusub ee laguu doortay, balse waxa lagaa filayaa in aan qofna isaga oo adeegsanaya awoodda dowladda uusan dulmin qof kale oo muwaadin ah, taas oo sababtay in muwaadiniin Soomaaliyeed ay u dhintaan, kuwo u barakacaan, qaarkoodna ay dalka ka cararaan iyaga oo la baxsanaya aragti siyaasadeed oo qabaan.
Xabsiyada waxaa ku jira muwaadiniin aan la maxkamadeyn hayeeshee muddo dheer xiran, waxa jira kuwa loo qabtay tuhun balse si loo daayo ay u baahan tahay in qaraabadoodu bixiyaan lacag aan la aqoon meel ay ku qoran tahay.
Habka loo qaybsado howlaha qaranku waa meesha ugu qurunka badan ee ceebtu taal, hadda waxaa Xamar ka jira oo oscda mashaariic ay ahayd in loo tartamo hayeeshee ay madaxdii kaa horeysay siiyeen saaxiibadood, eheladooda iyo hay’ado lagayaabo in ay faaiido wadaag la yihiin, kuwaas oo qarash badan oo aan horay u jirin ku soo kordhiyey nolosha muwaadiniinta, taas oo qayb ka noqotay sababaha uu dhaqaaluhu ugu batay qayb kamid ah bulshada halka ay qayb kale oo badana ay soo istaagtay sabool, dad badan ayaa kuula iman doona hindisaha mashaariic yaryar oo dhaqaale lagu sameyn karo balse culeys dhaqaale saaraya muwaadiniinta, tusaale in la sameeyo hay’ad aan sharci ahayn oo ka shaqeysa dhoofka xoolaha, ama maamusha meelaha danta guud ee dhaqaaluhu ka yimaado.
Si aad ceeb la’aan u ahaato mashaariicda noocaas ah waa in ay maraan tartan ayna arkaan Baarlamaanku.
Dhallinyarada iyo dadka taagta daran oo aad ku ololeysay in aad wax ka qabaneyso mushkiladaha haysta waxa aad ogaataa in qaarkood ay ka shaqeynsan waayeen Xamar 2, sababood awgood, midda hore ciidanka ayaa marka dhib dhaco waxa ay sameeyaan howlgal, sidaas awgeed waxa ay soo qabtaan wixii dhallinyaro ah ee ay arkaan ama ku dhow meesha ay wax ka dhaceen, xarig ayaa la geliyaa iyada oo muddo qaadata in la sii daayo, marka la daayana waxa ay tagaan iyaga oo aan aqoon waxa loo haystay, taaisna waxa ay keentaa in ay qaataan go’aan ay uga tagana dalka oo dhan.
Midda labaad Xamar reero badan ayaa lagu biilaa dhaqaale yar oo laga shaqeeyo gaadiidka Bajaajka, dadka ugu badan ee kaxeeya waa dhallinyaro, qaarkood ciidan ka horreeya ama ka dambeeya ayaa dilay, qaarkood jidadka ma mari karaan oo lacag aan ahayn tii canshuurta ayaa laga rabaa.
Dhallinyaradaasi dhammantood ma wada laha Bajaajka, ee waa laga kireyaa oo lacag ayaa laga doonaya ain ay soo xareeyaan, jidkii ay ku soo xareyn lahaayeen dhib bada ayaa ka jira, sidaas awgeed ayay u qaataan go’aan in ay dagaagaan oo ay dalal kale biiriyaan, waad fahmeysa dhibka ka dhasha marka ay dhallinyaradu ka dhalandhoolaan waddamadooda, haddii aadan ka dhabeyn ballanqaadkaaga ogow qaarkood ayaa dab isabadsiin doonaa sidii ka dhacday kacdoonkii gugii carabta ee isu rogay jiilaalka Carabta.
Dhaqanka dowladnimada
Sida lagayaabo in aad la socoto dhaqankeena siyaasadda marka uu qof madaxnoqdo waxa ku soo yaaca qaraabadiisa iyo dadka u dhow, iyaga oo isku deyaya in ay awoodda iyo xilka madaxtinimada uga faaiideystaan si u gaar ah, si gaar ah Xaasaska iyo Walaalaha madaxweynaha oo aan la aqoon ayaa soo muuqda, ceeb ma aha in ay muuqdaan, balse waxa ceeb ah in ay ku muuqdaan xilkaaga iyo awoodda lagugu aaminay.
La taliyeyaasha iyo Xukunka
Madaxdii kaa horeysay waxa ay lahaayeen la taliyeyaal mararka qaarkood siiya talo qalloocan, taas oo marka uu qaato isaga oo aan rogrogin saameysa muuqaalkiisa iyo waxqabadkiisa, ogow dadka ma yaqaanaan hebel ayaa sidaas ku taliyey ee waxa ay u fahmayaan in wax walba oo fiican oo la gaaro aad sabab u tahya, sidaas oo kalana wixii xumaada adiga ayay kuu saari doono, sidaas awgeed dooro la taliyeyaal fiican oo yaqaan dhaqanka dadka Soomalaiyeed lehna iimaan iyo astaan qarannimo.
Waxa jirta aragti garsoor oo ah in aan waxba  la xukumin marka ay xamaasadda farxadeed iyo tan caro kacsan yihiin, sidaas daraadeed qaado dhaqankaas oo adiga oo aadu farraxsan, aad u careysan ama aad u qiireysan waxba ha qaadan go’aan kama dambeys ah.
Dowladaha aan deriska nahay Alle ayaa iskaaya baday, waana lama huraan in aan si nabad iyo si qaddarin ah ugu wada noolaano deegaankan, sidaas awgeed u fiirso hadalada iyo falcelinta aad siineyso madaxda dowladahaas, hadda musharax ma tihid, waxa aad tahay madaxweynaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jooga Jamhuuriyadda iyo kuwa maqan ee dalal kale ku hoos jira ama dhibka dalka ka dhacay ka cararay ee qaxootinimo kujira.
Tallaabo walba oo aad qaaddo saameyn ayay ku leedahay Soomaalinimada sidaas oo kalana go’aan kasta iyo hadal walba oo kaa soo fulo natiijo ayuu sameynayaa, ku dadaal in ay noqoto mid u dan ah muwaadiniinta iyo dalka sidii aad ku ballan qaadday.
Gacantii aad goyn weyso waa la dhunkadaa ama waa la shumiyaa, ninkaad dili ninkaad adgi nikaad dabin u qooleyso waa la isu kala daadiyaa yaanu kaa didine, waxa ay ku fiican yihiin cilaaqaadka dibadda, marna ha u adeegsan muwaadiniinta gudaha
Waxa aad ogataa in aan maanta Soomaali badan laga dhaadhicin Karin dhaqankii ahaa  in ay madaxweynaha Aabe dhahaan, xaaskiisana Hooyo, adiga oo taas og waa in ay kala soocnaadaan qoyskaaga iyo dowladnimu, kuna talagal haddii la arko iyada oo qoyskaaga ama qof qaraabadaada kamid ah oo si aan sharci ahayn u adeegsanaya awoodda waxa soo bixi doontaa niyad jab iyo in la yiraahdo dheeraa waqtigu iyo goorma ayuu na dhaafaya.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed badankooda waxa ku yaal boogo ay hadaladu damqiyaan, waxa jooga siyaasiyiin caan ku ah in ay damqiyaan boogaha dad aanay waxaba tari Karin, iska jir in ay kuu hadlaan adiga oo aan ogeyn.
Hadda waxa socda hal-abuur kuu marinayo heeso iyo gabayo soo dhoweyn ah, waana caadadeena marka aan aragno madax u muuqata in ay waxtarayaan, ogowse in ay ku soo daba jiraan kuwo lagugu dhalliilayo haddii lagaa waayo waxa lagaa filayo.
Aad ayaa laguugu hammuun qabaa, ee u muuqo sida laguu maleynayo.
WQ: Axmed Ciise Guutaale
Dersa Sharciga iyo Qaanuunka.
Waa aragtideyda mana jirto cid aan ku metelayo
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!