Turkiga: Magaalo dhan oo caafimaadka ka shaqaynaysa!

Ankara (Himilonews) – Bal aan soo qaato Turkiya iyo waxa ka dhex socda goosgooskan aan idin kula wadaagayo in caalamka Islaamku mar labaad lawareegi doono horumarinta dunida.
Waxa aan maqli jirnay cisbitaal ayaa la furay hayeeshe ma maqashay Magaalo dhan oo cisbitaal ah ayaa la furaya?
Gobolka Maarisiin ee koonfurta Turkiya waxa dhawaan laga furay Magaalo dhan oo loogu adeegi doono caafimaadka. Maaha caafimaadka Turkiga oo kaliya ee waxa loogu talagalay in dadka isaga soo safraan adduun weynaha oo dhan si loogu daweeyo magalaas.
Magaladaas ayaa waxa meel la isugu keenay dhamaan waaxaha kala duwan ee cafimaadku ka kooban yahay, waa cadeyn muujinaysa isku dayga Turkidu rabaan inay hormood ka noqdaan caafimaadka iyo majaal kasta oo kale oo horumarka dunida ku saabsan.
Waxaa qoray: Abdulkareem Booltuur.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!