Haweeney sankeeda laga soo saaray Baranbaro nool
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
February 7, 2017
1,638 Views
Mumbai (Himilonews) – Haweeney ayaa loola cararay isbitaalka kadib markii Baranbaro ay ku gurguuratay sankeeda xilli ay ku hurdeysay sariirteeda, marka loo eego dhaqaatiirta dalka Hindiya.
42-jirta lagu magacaabo Selvi oo ku nool Injambakkam ayaa sheegtay inay dareentay wax ku dhex gurguuranaya gudaha sankeeda saqda dhexe ee habeen barka.
Waxay iska marmartay ama xogxogday sanka kadibna iskaga laabatay hurdadeeda. Markii ay waabariisatay, si kastaba, waxay dareentay indhaha oo gubanaya iyo madaxa oo wareeraya.
Durbadiiba waxay ogaatay in Baranbaro ay ku dhex nooshahay sankeeda gudihiisa. Wiilkeeda ayaa ula cararay isbitaalka degmada, dhaqaatiirtuna waxay awoodeen inay fahmaan xanuunkeeda.
Kadibna waxaa loo gudbiyay isbitaalka Stanley Medical College Hospital halkaas oo howl-gal qaatay muddo 45 daqiiqo ah lagu guuleystay in haweeneydan sankeeda laga soo bixiyo Baranbaro nool.
Dr. M. N. Shankar, kaas oo ah madaxa waaxda ENT-da, ayaa sheegay in Baranbaradu ay kusii gurguuratay labada indhood ee haweeneyda; waxayna u dhawaatay maskaxdeeda.
Shankar ayaa rumeysan in haddii ay Baranbaradu ku dhex dhiman lahayd gudaha sanka haweeneydan ay ku keeni lahayd infection-ka ku dhaca maskaxda iyo cudurro kale. Nasiib-wanaagse, waxaa lasoo saaray Baranbarada oo nool. Haweeneyduna waxay awooday inay gurigeeda ku laabato iyada oo caafimaad qabta.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakaria Xasan Maxamed.
Related
2017-02-07
You must log in to post a comment.