crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Cilmi-baaris: Islaamku waa diinta ugu faafista badan dunida | HimiloNetwork

Cilmi-baaris: Islaamku waa diinta ugu faafista badan dunida

Muqdisho (Himilonews) – Islaamku waa diinta ugu faafista badan, hey’adda fadhigeedu Maraykanka ee Pew Research Center ayaa sidaas tiri.
Marka loo eego Pew, Islaamku waa diinta labaad ee ugu weyn caalamka kadib Masiixiyadda. Tirada Muslimiinta sanadkii 2011 ayay ku sheegtay 1.6 bilyan oo ka dhigan 23% tirada caalamka.
Islaamka waxaa la filayaa inuu helo Muslimiin badan oo tiradii kor u qaada 73% inta u dhaxeysa 2010-2050. Waxaana kusoo xigaya diimaha Masiixiga iyo Hinduuga.
Waxay sidoo kale warbixinta cilmi-baariseed sheegtay in Muslimiintu ay ka badnaan doonaan Kiristaanka dhamaadka qarnigan. Waloow ay jiraan xoga la ururiyay oo tilmaama in isla waqtiganba Islaamku ka tira badan yahay Kirishtaanka.
Tani waxaa loo celinayaa, sida ay tilmaameen, tirada ilmaha ay dhasho haweeneyda Muslimadda ah oo ka badan haweenka kale ee dunida.
Islaamku wuxuu sidoo kale heystaa da’yar aad u badan oo ka badan diimaha kale ee dunida ka jira, sida ay tiri cilmi-baaristu.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!